Friday, April 20th, 2018
Advertisements
Advertisements

Al-Shabaab oo duqeeyay degmada Baraawe iyo Ra’iisal Wasaaraha oo ku wajahan degmadaas

Published on November 15, 2017 by   ·   No Comments

Wararka naga soo gaarayo degmada Baraawe ee gobalka Shabeelaha Hoose ayaa soo sheegayo in Al-Shabaab ay madaafiic ku garaaceyn qeyba ka mid ah degmadaasi oo ay ku sugan yihiin Madaxda Ugu sareysa Koonfur Galbeed iyo Ra’iisal Wasaaraha oo xiligaan ku wajahan degamdaasi.

Xubno ka tirsan Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha oo ku sugan Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho kuwaas oo aan wali dhaqaaqin ayaa Warbaahinta u sheegay in lagu soo wargiliyay in Magaalada ay hadda ku socoto Duqeyn ay Geysanayaan Al-Shabaab.

Goobaha ay duqeynta ku dhacday ayaa la sheegay in ay u badan tahay Gudaha magaalada iyo sidoo kale Nawaaxiga Garoonka diyaaradaha ee Degmada Baraawe.

Ciidamo ka tirsan Dowlada oo halkaas ku sugan ayaa la sheegay in ay dhankooda ay rideyn Madaafiic Jawaab u ah Kuwa Al-Shabaab, ilaa hada lama soo warin Khasaare ka dhashay Madaafiicda.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga ee Gobalka Shabeelaha Hoose Islamarkaana ku sugan degmada Baraawe ayaa warbaahinta u sheegay in ugu yaraan 2 Hoobiye ay ku soo dhacday Magaalada gudaheeda.

Degmada Baraawe ayaa Xiligaan waxaa ku sugan Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas oo soo dhaweyn doona Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha.

 

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA} Wasiirka Maaliyada” Bankiga Adduunka Iyo IMF Waxay Ku Qanceen Qaabka Maamulka Maaliyadda”

April, 20, 2018
Wasiirka maaliyadda ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr: C/raxaan Ducaale Beyle oo ka qayb galaya shirka looga hadlayo taakulaynta ...

{DAAWO SAWIRADA} Boqor ku dhawaaqay in uu badaley magaca dalkiisa

April, 20, 2018
Boqorka dalka Swaziland Boqor Mswati III ayaa markii ugu horeysay ku dhawaaqay in uu bedelay magaca dalkiisa ee ...