Thursday, December 14th, 2017
Advertisements
Advertisements

Andreas Christensen oo ugu dambeyn jebiyey rikoor ay ciyaartoyda Chelsea gaari waayeen muddo 17 sanno ah

Published on November 27, 2017 by   ·   No Comments

Daafaca dhallinyarada ah ee kooxda Chelsea Andreas Christensen ayaa weli sii wadanaya inuu ka yaabsado taageereyaasha kooxdiisa, haatan wuxuu noqday ciyaaryahankii ugu horreeyey ee kasoo qalin jebiyey akadeemigga Blues kaasoo kusoo bilowday seddax kulan oo xiriir ah horyaalka England Premier League tan iyo John Terry.

Andreas Christensen oo ka ciyaara daafaca dambeedka dhexe ayaa wuxuu booska kala baxay David Luiz, tababare Antonio Conte ayaana ammaanay qaab ciyaareedka uu soo bandhigay xiddiga reer Denmark.

Ka dib markii uu kusoo bilowday kulamadii ay Chelsea guulaha ka gaartay Manchester United iyo West Brom, uuna ka caawiyey Chelsea inay shabaqa ilaashato labadaas kulan, Andreas Christensen ayaa markale kusoo bilowday kulankii Isbuuc dhammaadkaan ee Liverpool ee horyaalka EPL.

Weliba 21 sanno jirkaan Andreas Christensen ayaa 90 daqiiqo ciyaaray dhammaan kulamadaas, wuxuuna haatan noqday ciyaaryahankii ugu horreeyey ee kasoo qalin jebiyey akadeemigga Chelsea ee rikoorkaan sameeya tan iyo Terry oo sidaan sameeyey xilli ciyaareedkii 2000 illaa 2001.

Ugu dambeyn taageereyaasha Chelsea ayaa ku farxi kara inay heleen ciyaaryahan dhallinyaro ah oo kasoo baxay akadeemigga kooxda oo wacdaro ka dhigaya kooxda koowaad, Christensen wuxuu labadii xilli ciyaareed ee lasoo dhaafay kusoo qarash gareeyey kooxda Borussia Monchengladbach.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA} Muhtaar Roobow Abuu Mansuur oo gaaray magaalada Kismaayo

December, 13, 2017
Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo mudooyinkii ugu danbeeyay safarro kala duwan ku marayay qeybo ka tirsan gobollada Bay ...

Deg Deg Dagmada Qoryooley Oo Laga Hirgaliyay Nalalka Ku Shaqeeya Cadceeda

December, 13, 2017
Deg Deg Dagmada Qoryooley Oo Laga Hirgaliyay Nalalka Ku Shaqeeya Cadceeda