Wednesday, February 21st, 2018
Advertisements
Advertisements

Arsenal Oo Dooneysa Inay La Saxiixato Ciyaaryahan Bartilmaameed U Ah Barcelona Oo Lagu Qiimeeyo 90 Milyan

Published on November 26, 2017 by   ·   No Comments

Arsenal ayaa dooneysa inay lasoo saxiixato ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer France Thomas Lemar inta lagu jiro suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.

Lemar oo 20 jir ah ayaa soo jiitay kooxo dhowr ah oo ka dhisan qaarada Yurub ka dib markii uu ka caawiyay Monaco inay ku guuleysato horyaalka French xilli ciyaareedkii hore.

Arsene Wenger ayaa rajeynayay inuu xiddiga reer France keeno waqooyiga London xagaagii lasoo dhaafay, laakiin heshiis 90 milyan oo ginni ah oo uu hordhigay Monaco ayaa laga soo diiday.

Inkastoo ay ku guul darreysteen saxiixiisa xagaagan, haddana Wargeyska Daily Mail ayaa sheegay in Arsenal ay ku soo laaban doonto saxiixa xiddiga Monaco bisha Janaayo.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in kooxda Arsenal aysan diyaar u aheyn in ay kordhiso qiimaha lacagta ay ku dooneyso ciyaaryahanka khadka dhaxe ka ciyaara.

Liverpool iyo Barcelona ayaa sidoo kale la sheegay inay xiiseynayaan saxiixa Lemar, oo qaab ciyaareed wanaagsan kujira.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Thomas Lemar oo kooxdiisa Monaco iyo xulka qaranka Faransiiska ka heysta boos joogta ah, waxaa loo arkaa bedelka ugu macquulsan ee Alexis Sanchez iyo Mesut Ozil.

Ciyaaryahanka reer Chile ee Sanchez ayaa bartilmaameed u ah kooxda Manchester City oo ku guuldarreystay saxiixiisa xagaagan, halka Ozil lala xiriirinayo kooxaha Barcelona iyo Manchester United.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA} Wasiir kuxigeenka Dhalinyarada cayaaraha Iyo Waxbarshada Oo La Kulmay Bahda Sportiga Gobolka hiiraan  

February, 21, 2018
Wasiir kuxigeenka wasarada Dhalinyarada cayaaraha Iyo Waxbarshada  Maamulka hirshabelle oo mal mahaan ku sugnaa magalada Baladweyne ee Gobolka ...

Puntland oo xirtay dhalinyaro ay la xiriirisay Al-Shabaab.

February, 20, 2018
Ciidanka amniga ee ka howlgala kantaroolka koofureed ee magaalada Garowe; ayaa gacanta ku dhigay labo nin oo uu ...