Wednesday, December 13th, 2017
Advertisements
Advertisements

Barcelona & Man United Oo Isku Baacsanaya Xiddig 100 Milyan Lagu Qiimeeyo, Germany Ayuu Joogaa

Published on November 28, 2017 by   ·   No Comments

Kooxaha Man United iyo Barcelona ayaa lagu soo waramayaa ina ay isku baacsanayaan xiddig ka ciyaara daafaca dhexe laguna qiimeeyo lacag dhan 100 milyan oo euro sida ay sheegayaan wararku.

Labada kooxood ayaa suuqa ugu jira sidii ay u xoojin lahaayeen daafacooda marka la gaaro suuqa kala iibsiga Xagaaga si ay xilli ciyaareedka dambe daafacooda uga dhigaan mid bir ah.

 

Kooxda RB Leipzig ayaa aqoonsatay in ay tartan adag u galayso sidii ay u sii haysan lahayd daafaca aadka loo qiimeeyo ee Dayot Upamecano marka la gaaro xagaaga dambe.

Daafaca reer Frnace ayaa kooxda RB Leipzig kaga soo biiray kooxda RB Salzburg iyaga oo ka soo bixiyay kaliya lacag dhan 10 milyan oo euro waxana uu ka mid noqday daafacyada da,yarka ah ee u soo kacaya kubada cagta.

 

Wargayska Fussball ayaa sheegaya in tababarah Man United ee Jose Mourinho taageero u yahay xiddigan isaga oo xilli ciyaareedkan dhawr jeer soo daawaday.

Si kasta ha ahaatee waxa la sheegayaa in uu sidoo kale xiiso waali ah ka helayo kooxda Barcelona iyada oo kooxda Barcelona u aragto xiddiga in uu yahay badalka mustaqbal ee Gerard Pique Iyo Javier Mascherano.

Xiddiga ayaa kooxda RB Leipzig kula jira heshiis ilaa 2021 waxana heshiiskiisa lagu jabin karaa lacag dhan 100 milyan oo euro marka laga reebo kooxaha ka ciyaara Germany dhexdiisa.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

DAAWO MUUQAALKA: Ciyaartii Barbaraha Ee Hirshabelle Vs Puntland Iyo Sidey Ugu Soo Gudbi Karaan Semi-final ka

December, 12, 2017
Kooxda xafidaneysa koobka Maamul Goboleedyada Soomaaliya ee Putland ayaa galabta ciyaar faraha looga gubtay bar baro ka tuugtay ...

{DAAWO SAWIRADA} Farxaan Booq oo guuldarro ka bad baadiyay Ciyaartooyda Puntland

December, 12, 2017
Xulka difaacanaya koobka ee Puntland ayaa waqti dambe bar baro ka helay Hirshabeele ciyaar xiiso badan oo ka ...