Borussia Dortmund oo diyaar u ah inay iibiso Aubameyang – durba laba koox oo EPL ah ayaa isku heysta!

0
43

Maamulka kooxda Borussia Dortmund ayaa lumiyey dulqaadkii ay u hayeen gooldhaliye Pierre-Emerick Aubameyang waxayna kooxdu diyaar u tahay inay iska iibiso weeraryahankaan, sida ay warbaahintu sheegeyso.

Xiriirka ka dhexeeya maamulka BVB iyo xiddiga heerka caalami ee dalka Gabon ayaa gaaray heerkii ugu hooseeyey ka dib markii xiddigaan casaan loo taagay kulankii Isbuuc dhammaadkaan ay barbardhaca 4-4 ah kooxdu la gashay Schalke.

Ciyaartoyda Borussia ayaa kasoo horjeestay habdhaqanka weeraryahankaan, iyadoo goolhaye Roman Weidenfeller uu ciyaarta ka dib sheegay inay nacasnimo tahay falkii uu sameeyey Auba, sidoo kale tababare Peter Bosz ayaa ku eedeeyey inuu burburiyey farxaddii kooxda oo dhan.

10 cisho ka hor ayey aheyd markii shaqaalaha tababarku ay ganaax duldhigeen Aubameyang maadaama uu 28 sanno jirkaani tababarka kasoo daahay.

Aubameyang ayaana markale caawin waayey kooxdiisa oo dhibtooneysa, majaladda Sport Bild ayaana haatan sheegeysa inay Dortmund diyaar u tahay inay iska iibiso Neymar-ka Africa, iyadoo kooxo badan oo Yurub ah ay doonayaan xiddigaan.

Aubameyang oo dhaliyey 56 gool oo horyaalka Bundesliga ah labadii xilli ciyaareed ee lasoo dhaafay ayaa wuxuu ka mid yahay weeraryahannada ugu wanaagsan adduunka.

Xilli ciyaareedkaan qaab ciyaareed wanaagsan ayuu ku bilowday isagoo 11 gool dhaliyey 12 kulan oo uu kusoo bilowday – labada kooxood ee ka ciyaara horyaalka England Premier League Chelsea iyo Liverpool ayaana ku dagaalamaya saxiixiisa.

Kooxda Jarmalka ka dhisan ee BVB ayaa la aaminsan yahay inay aqbali doonto dalabyada ku dhow 53 milyan oo ginni ee u yimaada Pierre-Emerick Aubameyang ugu horreyn bisha Jannaayo 2018ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here