{DAAWO SAWIRADA} Dowlada Mareykanka oo Diyaarado Lagula dagaalamo Shabaab ku wareejiyay Uganda…

0
52

Waaxda Gaashaandhigga ee dalka Maraykanka “THE PENTAGON” ayaa ku dhawaaqday inay Ciiddanka Uganda ka jooga Somalia ku taageeri doonaa 5 Diyaaradaha Helikopterada ee noocoodu yahay HUEY 2 HELICOPTERS.

Waaxda Difaaca Maraykanka waxay kaloo sheegtay in Diyaaradahaasi oo Cusub shalay loo soo daabulay si loo soo gaarsiiyo Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.

Sidoo kale, Maraykanka waxay Ciiddanka Uganda ee jooga Somalia ugu deeqeen Qalab kale oo ay ku jiraan Gaadiidka Gaashaman ee adkeysiga u leh waxyaabaha qarxa, gaar ahaan Miinooyinka lagu aaso waddooyinka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here