Wednesday, February 21st, 2018
Advertisements
Advertisements

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay Imaaraadka Carabta

Published on November 19, 2017 by   ·   No Comments

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa gaaray magaalada Abu Dhabi halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho shaqo oo labo maalmood ah.

 

Madaxweynaha waxaa gegada diyaaradaha ku soo dhaweeyay Wasiirka Caddaaladda ee Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta Mudane Sultan Bin Saciid Al Badi iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dalkaasi.

 

Safarkan waxaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed (Farmaajo) ku wehliya Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cabdulqaadir Axmed Khayr, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka, La-taliyeyaal iyo xubno kale.

Safarka Madaxweynaha uu ugu ambabaxay dalka Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa wuxuu yahay mid si wayn indhaha loogu haayo, maadaama xiriirka labada dal uu liito.

 

Madaxweyne (Farmaajo) ayaa doonaya inuu sare u qaado xiriirka labada dal ka dhaxeeya, sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa aaminsan in Imaaraadka Carabta ay tahay xarunta dhaqaalaha laga siiyo dadka mucaarada Dowladda.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA} Wasiir kuxigeenka Dhalinyarada cayaaraha Iyo Waxbarshada Oo La Kulmay Bahda Sportiga Gobolka hiiraan  

February, 21, 2018
Wasiir kuxigeenka wasarada Dhalinyarada cayaaraha Iyo Waxbarshada  Maamulka hirshabelle oo mal mahaan ku sugnaa magalada Baladweyne ee Gobolka ...

Puntland oo xirtay dhalinyaro ay la xiriirisay Al-Shabaab.

February, 20, 2018
Ciidanka amniga ee ka howlgala kantaroolka koofureed ee magaalada Garowe; ayaa gacanta ku dhigay labo nin oo uu ...