Saturday, January 20th, 2018
Advertisements
Advertisements

{DAAWO SAWIRADA} Maxaadna Ogeeyn Oo Kusoo Kordhay doorashada madaxtinnimada Somaliland

Published on November 13, 2017 by   ·   No Comments

Dadka Somaliland ayaa u dareeray goobaha codbixinta si ay u doortaan madaxweynihii shanaad tan iyo markii uu gobolkaasi ku dhawaaqay inuu ka go’ay Soomaaliya inteeda kale, in ka badan shan iyo labaatan sanno ka hor.

Mas’uuliyiinta ayaa waxa ay rajaynayaan in codbixinta ay xoojin doonto kiiskooda ay ku baadigoobayaan aqoonsiga caalamiga ah.

Gudoomiyaha guddiga doorashada ee Somaliland C/qaadir Iimaan Warsame ayaa BBC-da u sheegay in uu goobo badan soo kormeeray kuwa kalana lala xiriiray, codayntu ay billaabanayso 7:00 subaxnimo.

Codaynta ayaa la soo afjari doonaa 6:00 makhribnimo.

Shaqo-la’aanta ayaa ka mid ah ah arrimaha muhiimka ah ee isha lagu hayo, iyadoo boqolkiiba todobaatan iyo shan dadka da’da yar aanay wax shaqo ah haysan.

Si looga hortago in doorashada lagu shubto ayaa waxaa markii ugu horreysay goobaha codbixinta lagu isticmaalayaa qalab aqoonsanaya indhaha codbixiyayaasha.

Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa waxa ay ku baaqeen in maalinta codbixinta la xayiro isticmaalka baraha bulshada si looga hortago in barahaasi lagu faafiyo warar been abuur ah.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA} Qaabka uu u dhacay Shilka Diyaaradeed Ee Ka Dhacay Garoonka Aadan-Cadde Ee M/Muqdisho

January, 20, 2018
Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Goordhow ee Sabtida Maanta ah waxaa ka dhacay Shil Diyaaradeed ...

Shil Diyaaradeed oo ka dhacay Garoonka Aadan Cadde

January, 20, 2018
Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, goor dhaw waxaa Garoonka ...