Mudo dheer kadib waxaa maanta dib loo furay maxkamada Dagmada Bullo burte ee gobolka hiiraan taas oo aan mudo wax shaqo ah qabanin,
Furitaanka Maxkamada ayaa waxaa ay timid kadib dadaalo ay si wada jir ah u sameyeen Maamulka cusub iyo qeybaha bul shada dagmada Bullo burte ee Gobolka hiiraan,
Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka Bullo burte oo goobta ka hadlay ayaa so dhaweyay Furitaanka maxmada bullo burte waxana ay la dardaarmeen Gudoomiyaha Maxkamada Bullo burte iyo kuxigeenkiisa.
Gudoomiyaha Cusub ee Maxkamada Bullo burte oo goobta lagu furayay Maxkamada hadal ka jeediyay ayaa ugu baaqay shacabka Dagmada in ay si buuxda ula shaqeyaan si howsha ay u gutaan ,
Gudoomiyaha Dagmada Bullo burte Cabdi daahir Guure karoore ayaa ka shekeyay Marxalado kala duwan oo ay so martay furitaanka maxmkamada Bullo burte waxana uu siwada jir ah ula dardaarmay Gudoomiyaha Cusub ee Maxkamada iyo shacabka Kunool Dagmada Bullo burte waxana uu kula dardaarmay in ay si wada jir ah iskula shaqeyaan,
Maxamed Cabdi yuusaf {Washiton}
Radio Hiranweyn Bullo burte