Monday, November 20th, 2017
Advertisements
Advertisements

{DAAWO SAWIRADA} Saraakiil Ka Socota Dowladda Britain Oo Hawlgal Nabad-Ilaalin Ah Ka Wada Somalia

Published on November 15, 2017 by   ·   No Comments

Ra’isul-wasaarihii hore ee UK, David Cameron waxa uu horey u shaaciyey inay Somalia u soo dirayaan ilaa 70 Askari, si ay taageero uga geystaan La-dagaalanka Alshabaab.

Ciiddankaasi oo loo soo daad-gureeyey Somalia ayaa ah Ciiddankii ugu horreeyey ee ka socda dalka UK oo si rasmi ah ugu biiray Ciiddanka Caalamiga ee ay QM taageerto ee AMISOM, kuwaasi oo muddo dheer waday Hawlgal ay ku doonayeen inay u itaal sheegtaan Dagaalamayaasha Alshabaab.

Shabakadda Wararka ee ka faalloota Arrimaha Milliteriga ee forces.net ayaa qortay inay Dowladda UK sannadkiiba ku taageeraan Hawlgalka AMISOM ku-dhawaad 323 million oo Giniga Istarliinka (£323 million

Kharajkaasi ayaa ;a sheegay in Hawl badan looga qabtay gudaha Somalia.

Xubno tiro yar oo ka socda Ciiddanka UK ayaana ku lug lahaa mid la mid ah Shaqooyinkaasi, kadib, markii uu Ra’isul-wasaare David Cameron shaaciyey inuu Somalia siinayo mudnaanta Koowaad, isla markaana uu marti-geliyey Labadii Shirweyne ee ka dhacay magaalladda London, kaasi oo looga hadlayey Arrimaha Siyaasadda iyo La-dagaalanak Alshabaab.

Shabakadda Wararka ee forces.net waxay qortay inay Ciiddanka Britishka ee jooga Somalia taageero ka geysanayaan Tababarka Habka Dagaalka, Caafimaadka, Loojistikada iyo Taageeradda Injineeriyada.

Xigasho: forces.net

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta aqrinaya miisaaniyadda 2018

November, 20, 2017
Kulnaka Golaha shacabka ee maanta ayaa ku saabsan aqrinta 1aad ee Miisaaniyadda Dowladda ee Sanadka 2018,waxaana sidoo kale ...

Faah Faahin Ka sobaxeyso Werar Kagu Qaaday Ciidamada Katirsan Dowlada Soomaaliya,

November, 20, 2017
Ciidamo ka tirsan dowladda Federalka Soomaaliya ayaa lagu weeraray Xaafadda Xamar Jadiid ee Degmada Wardhiigley, kadib markii dabley ...