Monday, November 20th, 2017
Advertisements
Advertisements

{DAAWO SAWIRADA} Wafdi ka socda Dowlada Rwanda Oo La Kulmay Masuuliyiin Ka Tirsan Dowlada Soomaaliya

Published on November 13, 2017 by   ·   No Comments
Wasiir kuxigeenka Amniga Gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Mr. Abdinasir Said Muse oo uu wehlinayay Xoghayaha joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Amb. Ali Mohamed Ali ayaa waxa ay ku soo dhoweeyeen Muqdisho wafdi ka socda Dowladda Rwanda oo uu hoggaaminayay Xoghayaha joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga ee Rwanda Mr. Claude NIKOBISANZWE.
Imaanshiyaha wafdigan ayaa waxa ay ka dambeysay kadib kulan bishii October 21 ku dhexmaray Magaalada Kigali Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Rwanda H.E. Ms. Louise Mushikiwabo iyo Wasiir kuxigeenadda Arrimaha Dibadda iyo Amniga gudaha ee Soomaaliya oo looga wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.
Dowladda Rwanda ayaa maanta oo Isniin ah soo gaarsiin doonta Muqdisho deeq daawo ah oo toban tan ka kooban , waxaana loogu talagalay in lagula tacaalo, laguna daweeyo dhaawacyada qaraxyadii ugu dambeeyay ee ruxay Caasimadda Muqdisho.
Qaabilaadda Wafdiga Dowladda Rwanda ayaa waxaa sidoo kale goob-joog ka ahaa Agaasimaha guud ee habmaamuuska Qaranka Adv. Hersi Haji Olosow, Agaasimaha Waaxda Afrika Mr. Abdilatif Mohamud Ali iyo Xoghayaha koowaad ee Safaaradda Soomaaliya ee Ethiopia Mr. Hassan-Nur Abdi Aden iyo diblomaasiyiin kale.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta aqrinaya miisaaniyadda 2018

November, 20, 2017
Kulnaka Golaha shacabka ee maanta ayaa ku saabsan aqrinta 1aad ee Miisaaniyadda Dowladda ee Sanadka 2018,waxaana sidoo kale ...

Faah Faahin Ka sobaxeyso Werar Kagu Qaaday Ciidamada Katirsan Dowlada Soomaaliya,

November, 20, 2017
Ciidamo ka tirsan dowladda Federalka Soomaaliya ayaa lagu weeraray Xaafadda Xamar Jadiid ee Degmada Wardhiigley, kadib markii dabley ...