Saturday, January 20th, 2018
Advertisements
Advertisements

{DAAWO SAWIRADA} Wararkii ugu danbeeyay ee doorashada Soomaaliland

Published on November 13, 2017 by   ·   No Comments

Guud ahaan marka la eego deegaannada Soomaaliland waxaa si habsami leh uga soconaya doorashada madaxweynaha oo wali waxaa la arkayaa dadka oo safaf dhaadheer ku jira si ay codkooda u dhiibtaan.

Waxaa ku tartamaya saddexda Xisbi ee kala ah Kulmiye, WADANI iyo UCID oo ay kala hogaamiyayaan saddexda musharax madaxweyne Muuse Bixi, Carxmaan Cirro iyo Feysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha guddiga doorashada Soomaaliland C/qaadir Imaan Warsame ayaa tilmaamay in ilaa caawa fiidkii la soo xiro doono goobaha doorashada, laakiin dhinaca kale waxaa uu sheegay in ay sii furnaan doonaan ilaa dadka safafka hadda ku jira ka soo dhamaanayaan.

 

Qabsoomida doorashadan waxaa qeyb -weyn ka qaadanaya Ardeyda Jaamacadaha oo loo tababaray in ay fududeeyaan geedi socodka doorashada iyo in dadku si dhaqse ah codadkooda u dhiibtaan

Madaxweynaha xilkiisu si dhamaanayo Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa codkiisa ka dhiibtay xarunta Shaqaalaha Soomaaliland isaga oo u codeeyay madaxweynihii badali lahaa.

Qeybo ka mid ah gobolka Sanaag oo lagu waday in ay ka dhacdo codeynta doorashada, ayaa lagu soo warramayaa “in aysan u qabsoomin sidii la qorsheeyay ka dib dibadbaxyo halkaas ka dhacay.

Wariyaha Hiiraan Online ee degmada Laascaanood Seynab Cabdi Warsame ayaa sheegtay in gobolka Sool si wanaagsan doorahadu uga socto islamarkaana Amniga siweyn loo adkeeyay.

 

Wariyaha ayaa intaa darrtay in degmada Taleex oo laga cabsi qabay in ay ka dhacaan rabashado wax dhibaato ah laga soo sheegin.

Guud ahaan marka leysku darro goobaha loogu talagalay in codadka laga dhiibto ayaa gaaraya 1, 642 goob doorasho.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA} Qaabka uu u dhacay Shilka Diyaaradeed Ee Ka Dhacay Garoonka Aadan-Cadde Ee M/Muqdisho

January, 20, 2018
Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Goordhow ee Sabtida Maanta ah waxaa ka dhacay Shil Diyaaradeed ...

Shil Diyaaradeed oo ka dhacay Garoonka Aadan Cadde

January, 20, 2018
Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, goor dhaw waxaa Garoonka ...