Monday, November 20th, 2017
Advertisements
Advertisements

{DAAWO SAWIRADA} Wasiirka Amniga Ducaale oo ka qeybgalaya shir looga hadlayo amniga oo ka furmay Kismaayo

Published on November 13, 2017 by   ·   No Comments

Wasiirka Wasaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federalka ah ee Soomaaliya Maxamed Abuukar Ducaale Islow ayaa gaaray magaalada Kismaayo gelinkii dambe ee maanta iyadoo shirk u saabsan amniga uu maanta ka furmay Kismaayo.

Shirkaan oo ay ka qeyb galeen Wasaarada Amniga dowlada Federalka, Wasiiru Dowlayaasha Wasaaradaha Amniga Dowlad goboleedyada Dalka,Guddoomiye kuxigeenka Amniga gobolka Banaadir,Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska, QM iyo AMISOM ayaa   looga hadlayaa Arrimo ay ka mid yihiin Amniga dalka, Tayeynta Ciidanka booliiska iyo Wada shaqeynta hay’aha amniga dowlad goboleedyada dalka iyo kuwa qaranka.

Wasiirka Amniga Dowlada Federalka Maxamed Abuukar Ducaale ayaa lagu wadaa inuu soo xiro shirkan berri iyadoo shirkana uu yahay kii ugu horeeyay ee noociisa oo kale ah oo lagu qabto magaalada Kismaayo xarunta kumeelgaarka ah dowlad goboleedka Jubbaland.

Kulanka maanta ka furmay magaalada Kismaayo ayaa ah kii labaad ee ay Wasiiro ka socda Dowlad goboleedyada iyo dowlada federalka ay  isugu yimaadaan tan iyo markii madaxda dowlada federalka iyo tan maamul goboleedyada ku heshiiyeen magaalada Muqdisho, hase yeeshee waxaan la aqoon xilliga uu dhici doono shirka loogaga hadlayo arrimaha dastuurka oo ay hore u qaadaceen dowlad goboleedyada dalka.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta aqrinaya miisaaniyadda 2018

November, 20, 2017
Kulnaka Golaha shacabka ee maanta ayaa ku saabsan aqrinta 1aad ee Miisaaniyadda Dowladda ee Sanadka 2018,waxaana sidoo kale ...

Faah Faahin Ka sobaxeyso Werar Kagu Qaaday Ciidamada Katirsan Dowlada Soomaaliya,

November, 20, 2017
Ciidamo ka tirsan dowladda Federalka Soomaaliya ayaa lagu weeraray Xaafadda Xamar Jadiid ee Degmada Wardhiigley, kadib markii dabley ...