{DAAWO SAWIRADA} 25 Sano Kadib Baladweyne Oo Laga Furay Garoonka Kubada Kolayga

0
82

Wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha hirshabeelle oo kashaneysa maamulka gobolka hiiraan ayaa dib u dayactir ku sameysay garoonka ku badda kolayga magalada baladweyne oo aan mudo ku dhwow shan iyo labaatan sano shaqeyn

Munaasabad xariga looga jarayay garoonka ayaa waxaa qeyb galay wasiirka dhalinyara ciyaaraha hirshabeelle gudoomiyaha maamulka gobolka hiiraan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada .

Qaarka mida martidii ka soo qeyb gashay furitaanka garoonka ayaa soo dhaweeyay waxana ay shegeen in uu qeyb ka qaadan doono is dhaxgalka bulshada

Gudoomiyaha maamulka gobolka hiiraan cali jeyte cismaan ayaa sheegay  bulshada baladweyne looga baahan yahay in  ay ka shaqeyaan nabad galyada iyo is dhaxgalka bulshada ay ka qeyb qaatan dib u dhiska dalka

Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha hirshabeelle cabdi qani jeenyo ayaa sheegay in garoonkan uu muhiim u yahay bulshada hirshabeelle laguna soo saari doono ciyaartooda kubada kolayga hirshabeelle

Ugu danbeyn qaar kamida ciyaartooydii kulankii ugu horeeyay oo saxibtinoma ah ku dheelay ayaa dareenkooda ka hadlay waxana ay soo dhaweeynen dayactirka garoonkan

Dib u dayactirka garoonka kubada kolayga malagalada baladweyne mudo 25sano kadib ayaa waxa uu qeyb ka ayahay mashaariic hormarineed oo dowlada Norway ku taageereyso dib u dhiska soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here