Wednesday, December 13th, 2017
Advertisements
Advertisements

David Luiz, Hegazi, Richarlison, Sane, Silva, Sandro & Ciyaartooyda Kale Ee Suuqa Saaran Maaanta Oo Arbaco Ah

Published on November 29, 2017 by   ·   No Comments

Real Madrid ayaa ka fiirsaneysa inay bisha Janaayo u dhaqaaqdo daafaca reer Brazil ee David Luiz oo 30 sanno jir ah, kaasoo ka tagi kara Stamford Bridge xilli ciyaareedkaan. (Daily Mail)

Tababaraha Chelsea Antonio Conte ayaa sheegay inuusan wali kala tashan mamaulka kooxdiisa bisha Janaayo. (Guardian)

Manchester City 21 jirka katirsan ee Leroy Sane ayaa lagu soo waramayaa inuu heshiis cusub u saxiixo Manchester City dhamaadka xilli ciyaareedkan. (Sun)

Watford ayaa ka digtay in weeraryahanka reer Brazil Richarlison oo 20 sanno jir ah uu sii joogi doono kooxda (London Evening Standard)

Chelsea ayaa la filayaa inay dalab kale u soo bandhigto daafaca Juventus Alex Sandro, oo 26 sanno jir ah, ka dib markii uu ku guuldareystay inay la soo wareego xagaaagan. (Daily Express)

Liverpool iyo Leicester ayaa ka fiirsanaysa inay u dhaqaaqaan saxiixa daafaca West Brom iyo Masar Ahmed Hegazi, oo 26 sanno jir ah, kaasoo amaah kaga soo maqan kooxda Al Ahly. (ESPN)

Ciyaaryahanka qadka dhexe ee Manchester City David Silva, oo 31 jir ah, ayaa ku dhow inuu heshiis cusub u saxiixo kooxdiisa, xiddiga heerka caalami ee dalka Spain ayaa waqti wacan ku qaadanaya Etihad Stadium. (Daily Mirror)

City ma iibin doonto daafaca reer France Eliaquim Mangala bisha Janaayo, laakiin 26 jirkaan ayaa looma balanqaadin inuu helo boos joogta ah. (Goal)

Liverpool iyo Juventus ayaa labadooduba doonaya inay lasoo saxiixdaan ciyaaryahanka garabka uga ciyaara kooxda Sporting Lisbon ee Gelson Martins. (A Bola, via Talksport)

Manchester City iyo Napoli ayaa isku heysta Sime Vrsaljko oo 25-jir reer Croatia ah. (Talksport)

Weeraryahanka Atletico Antoine Griezmann ayaa ku dhawaaqady inuu ku biiro kooxda Arsenal (Daily Express)

Swansea ayaa lagu soo waramayaa inay bisha Janaayo u dhaqaaqaan weeraryahanka Liverpool Dominic Solanke, oo 20 jir ah (Wales Online)

Daafaca Arsenal Laurent Koscielny oo 32 jir ah ayaa doonaya inuu mustaqbalkiisa ku dhamaysto kooxda Lorient, sida laga soo xigtay madaxweynaha kooxda Faransiiska. (Canal +, via Goal)

Weeraryahanka Liverpool Divock Origi oo amaah ku jooga Wolfsburg, ayaa sheegay inuusan hubin hadii uu ku laabanayo Liverpool (Liverpool Echo)

 

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

DAAWO MUUQAALKA: Ciyaartii Barbaraha Ee Hirshabelle Vs Puntland Iyo Sidey Ugu Soo Gudbi Karaan Semi-final ka

December, 12, 2017
Kooxda xafidaneysa koobka Maamul Goboleedyada Soomaaliya ee Putland ayaa galabta ciyaar faraha looga gubtay bar baro ka tuugtay ...

{DAAWO SAWIRADA} Farxaan Booq oo guuldarro ka bad baadiyay Ciyaartooyda Puntland

December, 12, 2017
Xulka difaacanaya koobka ee Puntland ayaa waqti dambe bar baro ka helay Hirshabeele ciyaar xiiso badan oo ka ...