Thursday, February 22nd, 2018
Advertisements
Advertisements

FALLANQEYNTA: Barcelona VS Real Murcia- Kooxda Ernesto Valverde Oo Tallaabo Ujirta Wareega 16ka Copa del Rey

Published on November 29, 2017 by   ·   No Comments

Ka dib barbaro xiiso leh oo ay la galeen kooxda Valencia kulankii axadii La Liga, Barcelona ayaa kulanka lugta labaad ee wareega 32 koox ee Copa del Rey waxay ku wajaheysaa kooxda Real Murcia.

Barçelona ayaa lug la gashay booskeeda wareega 16ka kadib markii ay 3-0 kaga badisay gurigeeda bishii hore kooxda Murcia.

Ernesto Valverde ayaa fursad u heysta in uu nasiyo ciyaartoydiisa muhiimka ah, isagoo xulan kara shax kamid ah kooxda Barcelona B.

OGEYSIISKA CIYAARTA

GAROONKA: Camp Nou

SAACADA: 9: 30 PM

MAXAA CUSUB?

Marc-André ter Stegen, Samuel Umtiti, Jordi Alba, Sergio Busquets, Ivan Rakitic, Andrés Iniesta, Lionel Messi iyo Luis Suárez ayaa la nasin karaa kulanka caawa.

Sergi Roberto oo kasoo laabtay dhaawac ayaa laga yaabaa inuu ciyaaro daqiiqado yar oo kamid ah kulanka caawa ee Copa del Rey.

Marka la eego line-upka Barcelona, waxaa lagu arki doonaa magcyo cusub sida Carles Aleña iyo José Arnáiz, iyo qaar ka mid ah ciyaartoyda da’da yar kooxda.

SHAXDA MACQUULKA AH

Barcelona (4-3-3) Cillessen; Vidal, Piqué, Vermaelen, Digne; Paulinho, Aleñá, Denis; Deulofeu, Alcácer, Arnáiz.

Real Murcia (4-4-2) Santomé; Ortiz, Mateos, Orfila, Juanra; Escribano, Llorente, Jordan, Molinero; Nadjib, Elady

 

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DHAGEYSO} Sababta Keentay In Xilka Laga Qaado Gudoomiyihii Degmada Mahadaay Ee Sh/dhaxe

February, 22, 2018
Shalay ayay aheyd markii Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle xilkii looga ...

Maalinta Ciidamada Asluubta Soomaaliya oo la xusaayo

February, 22, 2018
Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, ayaa waxaa maanta waxaa lagu qabanaya munaasabad lagu xusaayo 48-sano guuradii ka soo ...