Monday, November 20th, 2017
Advertisements
Advertisements

Halkaan Ka Akhriso Liiska 29ka Wadan Ee Ilaa Iyo Haatan U Soo Baxay Koobka Adduunka Oo Dhameystiran & Seddex Xul Oo Weli Ka Harsan Wadarta Guud

Published on November 14, 2017 by   ·   No Comments

Kadib 18 bilood oo isreebreebka koobka adduunka la ciyaarayay, waxaa la helay liiska xulalka soo baxay iyo kuwa kale ee ka haray Koobka Aduunka ee sanadka soo socda lagu qaban doono dalka Russia.

Qaar kamid ah xulalka ayaa si toos ah ugu soo baxay koobka aduunnka, halka xulalka qaar kalena ay u baahdeen kulamo Play Off ( Isreebreeb).

Waxaa ka qeyb geli doona koobka adduunka wadamo matalaya qaarada waaweyn ee dida sida Yurub, Koonfurta Ameerika, Afrika, Aasiya, iyo wadamada Oceania-ka.

Inkastoo Honduras la filayo in ay ku biirto 29 dalka ee usoo baxay koobka addunka, haddana waxaa layaab ku noqday bahda ciyaaraha in Italy uu seegayo koobka adduunka sannadka soo socda.

Ruushka ayaa si toos ah ugu soo baxay tartanka an, maadaama uu yahay marti galiyaha koobka adduunka, Tababare Stanislav Merchesov iyo xulkiisa ayaa nasiib u helay in ay marti geliyaan dhacadada 65-aad dunida

Waxaa jiri doona awood badan oo kubada cagta ah ah oo isugu tagi doona Koobka Aduunka 2018ka, waxaana kamid ah xulka difaacanaya tartanka ee Jarmalka, Lionel Messi iyo Argentina, Neymar iyo Brazil iyo Cristiano Ronaldo oo hogaaminaya Portugal.

Inkastoo aysan waligood ku guuleysan koobka adduunka xulka Portugal, haddana waa xulka difaacanaya koobka qaramada qaarada yurub, waxaana hogaaminaya laacibka ugu fiican dunida.

Xulka Germany oo ku guuleystay koobka adduunka afar jeer oo kala ah 1954, 1974, iyo 1990 iyo 2014kii ayaa kamid ah xulalka loo sadaalinayo in ay ku guuleysan karaan tartanka.

Germany's Mario Goetze (C) celebrates his goal against Argentina in the 2014 World Cup final.

Si kastaba ha ahaatee, magacyadada ugu waaweyn ee tartanka ka qeyb galaya waxaa kamid ah Faransiiska, Isbaanishka, England, Uruguay, Colombia, Japan iyo South Korea.

Xiddigaha gooldhalinta tartanka looga baqayo sannadka dambe ayaa kala ah Harry Kane, Luis Suarez, Antoine Griezmann iyo Alvaro Morata.

Ciyaartoy Belgium oo ay hogaaminayaan Eden Hazard, Kevin de Bruyne, Romelu Lukaku iyo goolhaye Thibaut Courtois ayaa kamid ah xulalka looga baqayo in ay wacdaraha ka dhigaan koobka adduunka.

Belgium's Eden Hazard on the ball against Wales at Euro 2016.

Croatia ayaa u baahday in laba kulan oo isreebreeb ah uu la ciyaaro xulka Greece, iyadoo xiddiga Real Madrid Luka Modric uu ka caaawiyay xulkiisa in ay kusoo baxaan kulankii Play Off.

Poland iyo Serbia oo ay ugu dambeysay koobka adduunka sannadkii 2010kii ayaa kamid ah xulalka dib ugu soo laabtay dhacadada koobka adduunka.

Mexico oo wareega 16ka koobka adduunka gaartay sannadkii 1994, iyo xulka lagu neynaaso Los Ticos ee Costa Rica  oo markii shanaad usoo baxay tartankaan ayaa kamid ah xulalka soo kabshada sameeyay.

Sacuudi Carabiya iyo Iran ayaa waqti hore kasoo baxay qaarada Asian, iyadoo dalalka Africa ee Nigeria, Morocco iyo Senegal oo gaartay wareega quarter-finalka sannadkii 2002dii ay waqti hore soo baxeen.

Tunisia oo ay ugu dambeysay koobka adduunka 1998, iyo Masar oo aan ciyaarin tan iyo 1990kii ayaa labaduba ku biiray xulalka Africa ee sannadka soosocda ka qeyb galaya koobka adduunka.

Sawirka la xidhiidha

Haddaba Ilaa Hadda Wadamada Soo Baxay Waxaa Kamid ah

SHANTA XUL EE AFRIKA U SOO BAXDAY

EgyptEgypt

MoroccoMorocco

NigeriaNigeria

SenegalSenegal

TunisiaTunisia

XULALKA ASIA U SOO BAXAY

IranIran

JapanJapan

Korea RepublicKorea Republic

Saudi ArabiaSaudi Arabia

XULALKA YURUB U SOO BAXAY

BelgiumBelgium

CroatiaCroatia

EnglandEngland

FranceFrance

GermanyGermany

IcelandIceland

PolandPoland

PortugalPortugal

RussiaRussia

SerbiaSerbia

SpainSpain

SwedenSweden

SwitzerlandSwitzerland

 XULALKA WAQOOYIGA IYO BARTAMAHA AMEERIKA U SOO BAXAY

Costa RicaCosta Rica

MexicoMexico

PanamaPanama

 XULALKA KOONFUR AMEERIKA U SOO BAXAY

ArgentinaArgentina

BrazilBrazil

ColombiaColombia

UruguayUruguay

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta aqrinaya miisaaniyadda 2018

November, 20, 2017
Kulnaka Golaha shacabka ee maanta ayaa ku saabsan aqrinta 1aad ee Miisaaniyadda Dowladda ee Sanadka 2018,waxaana sidoo kale ...

Faah Faahin Ka sobaxeyso Werar Kagu Qaaday Ciidamada Katirsan Dowlada Soomaaliya,

November, 20, 2017
Ciidamo ka tirsan dowladda Federalka Soomaaliya ayaa lagu weeraray Xaafadda Xamar Jadiid ee Degmada Wardhiigley, kadib markii dabley ...