Thursday, May 24th, 2018
Advertisements
Advertisements

HORDHACA: Arsenal VS Huddersfield- Labada Koox Oo Markii Ugu Horeysay Ku Kulmaya Premier League

Published on November 29, 2017 by   ·   No Comments

Arsenal iyo Huddersfield ayaa ku kulmaya Premier League markii ugu horeysay caawa, iyadoo kooxda martida loo yahay ay rajeyneyso inay sii dheereysato guuleeheeda xiriirka ah ee gurigooda.

Kooxda Arsene Wenger ayaa badisay 11kii kulan ee ugu dambeyay oo ay ku ciyaareen Emirates, waana guulahoodii xiriirka ahaa ee ugu dheereyd horyaalka Premier League tan tan iyo Highbury.

Arsenal waxay ku guuleysteen 12 kulan oo isku xigta oo ay ku ciyaareen gurigooda waana markii ugu horeysay tan iyo sanadkii 2004kii.

Kulankan ayaa noqon doona kii ugu horeeyay ee dhexmara labada kooxood tan iyo 1972, markaasoo Arsenal 1-0 ku badisay, iyadoo goolka guusha uu dhaliyay George Armstrong.

OGEYSIISKA CIYAARTA

GAROONKA: Emirates Stadium  

SAACADA: 10:45 PM

MAXAA CUSUB?

Arsenal ayaa rajeyneysa in Mesut Ozil kasoo laabto xanuunkiisa kadib markii uu seegay kulankii ugu dambeeyay kooxdiisa.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Jarmalka ayaa seegay kulankii ay 1-0 kaga badiyeen Arsenal kooxda Burnley axadii, laakiin waxa la filayay inuu tababarka kusoo labato isbuucaan.

Huddersfield ayaa waxaa ka maqnaan doona xiddiga  dhexe ee Rajiv van La Parra kaasoo seddex kulan oo ganaax ah ku maqan ka dib markii casaan toos ah uu qaatay kulankii Manchester City.

Ciyaartoyda mudada dheer ka maqan kooxda Huddersfield  ee Philip Billing, Michael Hefele iyo Jon Gorenc Stanković ayaa sidoo kale seegaya kulanakaan.

XAQIIQADA KULANKA

Arsenal ayaa badisay lix ka mid ah 7dii kulan ee ugu dambeysay oo ay la ciyaareen Huddersfield, inkastoo markii ugu horeysay kulmayaan tan iyo January 1972.

Huddersfield ayaa badisay kaliya hal kulan oo ka mid ah 15kii kulan ee ugu dambeyay oo ay ka horyimaadeen Arsenal tartamada oo dhan, seddex barbaro ayay galeen.

Ka dib markii ay badiyeen labadii kulan ee ugu horeysay Premier League, Huddersfield ayaa kaliya labo barbaro galay 11 kulan oo ay ciyaareen tartamada oo dhan.

 

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA} Dowladda Jabuuti oo Deeq Raashin ah u Qaybisay Dadka ku Nool Jalalaqsi Ee Gobolka Hiiraan

May, 24, 2018
Kaalmadaan Raashinka ah  oo ka koobnayd; Bariis, Sokor, Bur iyo Saliid, ayaa la Gaarsiiyay Dadkii Dhawaan ku Barakacay Fatahaaddii ...

{DAAWO SAWIRADA} Dhaawaca 35 Qof Iyo Hal Meyd Ah Oo La Geeyey Magalada Laas-Caanood

May, 24, 2018
Wararka naga soo gaaraya duleedka Magalada laas-caanood ee Xarunta gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in duleedka Magaaladaasi ...