Wednesday, December 13th, 2017
Advertisements
Advertisements

HORDHACA: Chelsea VS Swansea- Kooxda Reer Wales Oo Rikoor Xun Ku Heysata Garoonka Stamford Bridge

Published on November 29, 2017 by   ·   No Comments

Chelsea ayaa isha ku heysa inay sii haysato qaab ciyaareedkeedii ugu dambeeyay marka ay kusoo dhaweyneyso caawa kooxda Swansea City garoonka Stamford Bridge.

Chelsea ayaa 13 dhibcood ka heshay 15kii kulan ee ugu dambeyay, waxaana ay barbaro 1-1 ah la galeen sabtidii kooxda Liverpool.

OGEYSIISKA CIYAARTA

GAROONKA: Stamford Bridge

SAACADA: 10:45 PM

MAXAA CUSUB?

Daafaca David Luiz ayaa la maqan dhaawac jilibka ah, inkastoo uu booskiisa ku waayay Andreas Christensen, waxaana uu ahaa bedel aan la isticmaalin kulankii barbaraha kooxdiisa la gashay Sabtida Liverpool.

Daafaca midig ee Victor Moses ayaa laga yaabaa inuu kusoo bilowdo, iyadoo Antonio Conte wax ka bedeli doono falsafadiisa.

Weeraryahanada Chelsea Michy Batshuayi oo anqawga ka dhaawacan iyo Charly Musonda oo jilibka bidix ka dhaawacan ayaa kulankaa seegaya.

Swansea ayaa waxaa ka maqan Tammy Abraham oo amah kaga soo maqan Stamford Bridge, maadaama uusan wajihi Karin kooxda iska leh.

Federico Fernandez ayaa weli ku sugan dalkiisa Argentina ka dib markii uu geeriyooday aabihiis, iyadoo daafaca reer Holland Mike van der Hoorn booskiisa uu buuxin doono.

XAQIIQADA KULANKA

Chelsea ayaa laga badiyay kaliya hal kulan oo kamid ah 12 kulan oo ay la ciyaartay Swansea City horyaalka Premier League, waxaana looga badinin garoonkeeda Stamford Bridge lixdii kulan ee ugu dambeeyay oo ay wajaheen kooxda reer Wales.

Swansea ayaa laga dhaliyay labo gool ama wax ka badan shan ka mid ah lixdii kulan ee ugu dambeysay Premier League oo ay booqatay Stamford Bridge.

Swansea ayaa badisay kaliya hal kulan oo kamid ah 16kii kulan ee ugu danbeyay oo ay marti u ahaayeen Chelsea tartamada oo dhan.

 

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

DAAWO MUUQAALKA: Ciyaartii Barbaraha Ee Hirshabelle Vs Puntland Iyo Sidey Ugu Soo Gudbi Karaan Semi-final ka

December, 12, 2017
Kooxda xafidaneysa koobka Maamul Goboleedyada Soomaaliya ee Putland ayaa galabta ciyaar faraha looga gubtay bar baro ka tuugtay ...

{DAAWO SAWIRADA} Farxaan Booq oo guuldarro ka bad baadiyay Ciyaartooyda Puntland

December, 12, 2017
Xulka difaacanaya koobka ee Puntland ayaa waqti dambe bar baro ka helay Hirshabeele ciyaar xiiso badan oo ka ...