Thursday, February 22nd, 2018
Advertisements
Advertisements

HORDHACA: Huddersfield Town VS Man-chester City- SKY BLUE Waligeed Guuldar-ro Kala Kulmin Kooxda Terriers

Published on November 26, 2017 by   ·   No Comments

Huddersfield Town ayaa ku jirta kaalinta ugu hooseysa horyaalka Premier League ka dib 12 kulan oo ay ciyaartay, laakiin Manchester City ayaa tartan adag kala kulmi doonta marka ay booqaneyso John Smith Stadium caawa.

Kooxda Pep Guardiola ayaa heysata rikoorka kaliya ee aan dhinaceeda dhulka loo dhigin xili ciyaareedkaan, waxaana ay ciyaareysaa kulankaan City iyadoo shan dhibcood ku hogaamineysa horyaalka.

OGEYSIISKA CIYAARTA

GAROONKA: John Smith Stadium

SAACADA: 7:00 PM

MAXAA CUSUB?

Huddersfield ayaa isbedel ku sameyn karta shaxda daafaca iyo khadka dhexe kulanka City, iyadoo daafaca dambeedka dhexe ee Christopher Schindler uu diyaar u noqon karo xulashada kulankaan kadib markii uu kasoo laabtay ganaax.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Jonathan Hogg ayaa sidoo kale ku soo laabtay kooxdiisa ka dib markii uu seegay kulankii Bournemouth sabab la xiriirtay dhalashada wiilkiisa.

City ayaa waxaa dhaawac kaga maqan John Stones, waxay u badan tahay in lagu bedelo booskiisa Nicolas Otamendi oo qaab ciyaareed wanaagsan kujira.

Guardiola ayaa nasasiiyay dhowr ciyaartoy oo muhiim ah kulankii ay guusha ka gaareen Feyenoord, waxaana kusoo laaban doona shaxda koowaad caawa Silva, Leroy Sane iyo Vincent Kompany.

Weeraryahanada Jesus ama Sergio Aguero ayaa laga yaabaa in midkood kursiga keydka la dhigo, iyadoo tababaraha reer Spain uu qorsheynayo inuu bedelo nidaamka labada weeraryahan ee kooxdiisa.

XAQIIQADA KULANKA

Dhawaan labada kooxood ma kulmin, waxaana kulankoodii ugu dambeeyay uu dhacay sanadkii 2000 markaasoo ay ku kala baxeen barbaro 1-1 ah.

City ayaa guul 3-1 ah ka garatay koooxda Huddersfield bishii Maarso 1998dii, waana guushii ugu dmabeysay oo ay ka gaaraan kooxda dhawaan soo dalacday.

Si kastaba ha ahaatee, City ayaa badisay dhamaan kulamada ay wajahday Huddersfield, waxaana guusha ugu weyn oo ay ka gaartay ay aheyd 10-1 ciyaaar dhacday 1987.

SAFAFKA MACQUULKA AH 

 Huddersfield: Lossl; Hadergjonaj, Schindler, Zanka, Malone; Van La Parra, Mooy, Hogg, Ince; Kachunga, Depoitre

City possible: Ederson; Walker, Kompany, Otamendi; Delph,  Fernandinho, Silva; Sterling, De Bruyne, Sane; Jesus

 

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DHAGEYSO} Sababta Keentay In Xilka Laga Qaado Gudoomiyihii Degmada Mahadaay Ee Sh/dhaxe

February, 22, 2018
Shalay ayay aheyd markii Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle xilkii looga ...

Maalinta Ciidamada Asluubta Soomaaliya oo la xusaayo

February, 22, 2018
Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, ayaa waxaa maanta waxaa lagu qabanaya munaasabad lagu xusaayo 48-sano guuradii ka soo ...