HORDHACA: Manchester City VS Southampton- SKY Blue Weli Lagama Badin Premier League

0
27

Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa laga yaabaa inuu kusoo celiyo line-upkiisa Eliaquim Mangala kulanka uu caawa wajahyo kooxda Southampton.

Tababaraha reer Catalan ayaa isku dayi doona inuu daafac dhaxe ee kooxdiisa ku lamaaneysiiyo kabtan Vincent Kompany.

Mangala ayaa fursad u heli doona inuu isku soo bandhigo kulankaan, iyadoo John Stones dhaawac ku maqan yahay weli.

Mangala ayaa xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay amaah ku qaatay kooxda Valencia, waxaana uu ku dhawaaday inuu ka tago  City oo dalab u dirtay Jonny Evans.

OGEYSIISKA CIYAARTA

GAROONKA: Etihad Stadium

SAACADA: 11:00 PM

MAXAA CUSUB?

City ayaa weli waxaa ka maqan daafacyada John Stones iyo Benjamin Mendy kulanka ay soo booqaneyso caawa kooxda Southampton.

Daafaca dhexe ee England ayaa la filayaa inuu maqnaado ilaa dhamaadka bisha December, halka Mendy uusan soo muuqan Karin ilaa bisha April.

Eliaquim Mangala ayaa qarka u saaran inuu booska difaaca dhexe kala ciyaaro kabtan Vincent Kompany.

Southampton ayaa soo dhaweyn doonta ciyaaryahanka khadka dhexe ee Oriol Romeu, xidigii hore ee Chelsea ayaa qaab ciyaareed wanaagsan kujira.

Ciyaaryahanka reer Spain ayaa seegay kulankii kooxdiisa 4-1 ku xaaqay Everton ka dib markii uu qaatay jaalihiisii shanaad ee xili ciyaareedkaan.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Mario Lemina ayaa kasoo laabtay dhaawac canqowga ah isagoo bedel kusoo galay kulankii Toffees, laakiin daafaca Matt Targett ayaa weli dhaawacan.

XAQIIQADA KULANKA

Manchester City ayaan laga badin todobo kulan oo ay garoonkeeda ku wajahday Southampton tartamada oo dhan, lix kamid ah ayay badisay.

Southampton ayaa hal dhibic ka heshay lixdii kulan ee ugu dambeysay Premier League oo ay booqatay garoonka Etihad Stadium.

Manchester City ayaa uruursatay 37 dhibcood 13 kulan oo ay ciyaareen xilli ciyaareedkan – waana heerkoodii ugu fiicnaa horyaalka Premier League.

Weeraryahanka Saints Charlie Austin ayaa sideed gool dhaliyey 11kii kulan ee ugu dambeyay Premier League uu kusoo bilowday.

Sergio Aguero ayaa gacan ka geystay shan gool lixdii kulan ee ugu dambeysay ee uu wajahay kooxda Southampton.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here