Thursday, February 22nd, 2018
Advertisements
Advertisements

HORDHACA: Stoke VS Liverpool- Sadio Mane & Roberto Firmino Oo Kusoo Laaban Kara Shaxda Koowaad Ee Reds

Published on November 29, 2017 by   ·   No Comments

Liverpool ayaa isha ku heysa afarta kooxood ee ugu sareeysa horyaalka, marka ay caawa usafrayaan kooxda dhibka badan ee Stoke City.

Kooxda Liverpool ayaa seddex kulan oo isku xiga looga badin tartamada oo dhan, iyadoo Chelsea kula gashay barbaro 1-1 ah garoonka Anfield.

Stoke ayaa 6-1 ku garaacday kooxda Reds xili ciyaareedkii 2014-2015, waqtigaasoo ay ku dhacday guuldaradii ugu weyneyd Premier League.

OGEYSIISKA CIYAARTA

GAROONKA: Bet365 Stadium 

SAACADA: 11:00 PM

MAXAA CUSUB?

Liverpool ayaa dib ugu yeertay Sadio Mane iyo Roberto Firmino ka dib markii keydka la dhigay kulankii Reds 1-1 la gashay Chelsea.

Alex Oxlade-Chamberlain iyo Daniel Sturridge oo labadoodaba bedelkooda kusoo bilowday ciyaartii Chelsea ayaa keydka u laaban kara caaawa, halka Georginio Wijnaldum lagu bedeli doono James Milner.

Emre Can ayaa kasoo kabsaday dhaawac muruqa ah, waxaana uu kusoo laaban doonaa kooxda Reds, laakiin wali waxaa maqan Dejan Lovren.

Stoke waxaa la filayaa inuu dib ugu soo laabto Ramadan Sobhi, ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ayaa dhaawac jilibka ah ku seegay kulankii Sabtidii ee Crystal Palace.

XAQIIQADA KULANKA

Stoke ayaa laga badiyay todoba ka mid ah sideedii kulan ee ugu dambeysay oo ay la ciyaartay Liverpool horyaalka Premier League, iyagoo badiyay kaliya hal kulan xilli ciyaareedkii 2014-15, markaas Potters ku badisay 6-1 garoonka Bet365 Stadium.

Liverpool ayaa badisay afar ka mid ah shantii kulan ee ugu dambeysay oo ay marti ahaayeen tartamada oo dhan.

Mark Hughes ayaa laga badiyay 11 ka mid ah 16-kii kulan ee ugu dambeyay ee uu ka horyimid Liverpool.

Xherdan Shaqiri ayaa gacan ka geystay lix gool lixdii kulan ee ugu dambeysay Premier League ee uu u ciyaaray kooxda Stoke City.

 

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DHAGEYSO} Sababta Keentay In Xilka Laga Qaado Gudoomiyihii Degmada Mahadaay Ee Sh/dhaxe

February, 22, 2018
Shalay ayay aheyd markii Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle xilkii looga ...

Maalinta Ciidamada Asluubta Soomaaliya oo la xusaayo

February, 22, 2018
Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, ayaa waxaa maanta waxaa lagu qabanaya munaasabad lagu xusaayo 48-sano guuradii ka soo ...