Friday, January 19th, 2018
Advertisements
Advertisements

Jees-Jeeskii Zlatan Ibrahimovic, Beentii Mario Balotelli, Gianluigi Buffon Oo Calaacalaya & Sida Dunida Kaga Hadashay Italy Oo Seegay Koobka Adduunka

Published on November 14, 2017 by   ·   No Comments

Zlatan Ibrahimovic ayaa si deg deg ah uga hadlay in xulkiisa Sweden usoo baxeen Koobka Aduunka kadib markii ay barbaro goolal la’aan ah ku galeen xalay garoonka San Siro.

Sweden waxaa saaciday guushii1-0 oo ay kusoo gareen toddobaadkii hore gurigooda, waxaana cel-celis ahaan ay kusoo baxeen natiijada labada lug 1-0.

Azzurri ayaa seegay koobka adduunka markii ugu horeysay tan iyo sannadkii 1958, waana ku dhawaad lix sanno kadib.

Mario Balotelli ayaa ku soo qoray boggiisa Instagram ka hor ciyaarta, fariin u uu ku dhiiro galinayay taageerayaasha dalkiisa hooyo.

Ibrahimovic, oo ka fariistay ciyaaraha caalamiga ah, ayaa ku sawiray bogiisa bulshada guusha Sweden iyo sida ay ugu dabaaldegeen garoonka San Siro.

Wuxuu soo qoray boggiisa: “Waxaan nahay Zweden @swemnt.”

Dhanka kale, halyeeyga Italy Gianluigi Buffon oo careysnaa ayaa ciyaarta ka dib yiri: “Kama xumaanayo naftayda, laakiin dhamaan kubada cagta Talyaaniga ayaa si isku mid ah ugu xumaaday waxa dhacay.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{AKHRISO} Nin Bilyan dheer ku noqday saacado gudahood

January, 19, 2018
Ninka asaasay shirkadda tagaasiista ee Uber Travis Kalanick ayaa si rasmi ah u noqday bilyan dheer saacado gudahood, ...

Madaxweynaha Soomaliya Oo Amray In Aan La Bixin Dhul Dowladeed

January, 19, 2018
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu ka walaacsanyahay jiritaanka warar sheegaya ku xadgudub dhulalka ...