Thursday, December 14th, 2017
Advertisements
Advertisements

Kabtanka Barcelona Andres Iniesta oo ka hadlay goolkii laga diiday Leo Messi ciyaartii ay barbardhaca la galeen Valencia

Published on November 27, 2017 by   ·   No Comments

Andres Iniesta wuxuu ka mid yahay xiddigaha loogu ixtiraamka badan yahay  kubadda cagta, taageereyaasha garoonka Estadio Mestalla ayaana sacab ula istaagay markii bedel lagu sameeyey kulankii ay Barcelona barbardhaca 1-1 ah la gashay Valencia.

Si kastaba ha ahaatee, kabtanka Barcelona Andres Iniesta ayaa wuxuu sheegay in ciyaartoyda Catalans ay ka caroodeen go’aankii uu garsoore Ignacio Iglesias ku diiday goolkii Lionel Messi.

Horyaalka La Liga ayaan laheyn tiknoolajiyadda xariiqda goolka (Goal-line technology), waxaana La Blaugrana laga diiday gool ay si cad u dhalisay, kaasoo ka yimid xiddigeeda Leo Messi isla markaana xariiqda dhaafay.

Iniesta ayaa saxaafadda u sheegay ka dib dhammaadkii kulankaan: “Wuxuu ahaa gool iska cad, xitaa falcelintii uu sameyeey goolhayaha Valencia ayaa muujineysay inuu goolku dhashay.

“Tiknoolajiyadda ayaa sixi laheyd go’aannada nuucaan ah, waana ay ku habboonaan laheyd horyaalka La Liga”.

Barcelona ayaa sidaan oo kale ay ku dhacday horraantii xilli ciyaareedkaan, iyadoo Luis Suarez gool sax ah laga diiday kulankii ay wajaheen kooxda Real Betis.

Maamulka horyaalka La Liga ayaa haatan cadaadis ku saaran yahay inay xilli ciyaareedyada soo aadan horyaalka ka hirgeliyaan tiknoolajiyadda xariiqda goolka iyo muuqaalka caawiya garsooreyaasha (Video assistant referees).

 

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA} Muhtaar Roobow Abuu Mansuur oo gaaray magaalada Kismaayo

December, 13, 2017
Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo mudooyinkii ugu danbeeyay safarro kala duwan ku marayay qeybo ka tirsan gobollada Bay ...

Deg Deg Dagmada Qoryooley Oo Laga Hirgaliyay Nalalka Ku Shaqeeya Cadceeda

December, 13, 2017
Deg Deg Dagmada Qoryooley Oo Laga Hirgaliyay Nalalka Ku Shaqeeya Cadceeda