Koox Aan Aheyn Real Madrid Iyo Barcelona Oo Qorsheyneysa Inay La Liga Ku Celiso Xiddiga Arsenal Mesut Ozil- Xitaa Mushaarkiisa Waa La Shaaciyay

0
34

Mesut Ozil ayaa lagu soo waramayaa inuu bartilmaameed u yahay kooxda ka dhisan caasimada Spain ee Atletico Madrid.

Ozil oo uu hal sano ka haray qandaraaskiisa Emirates Stadium, waxaa lala xiriirinayaa kooxo badan oo ay ku jirto Manchester United.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay jariiradda The Sun, Atletico ayaa dooneysa inay ka faa’ideysato faham la’aanta u dhaxeysay mamaulka Arsenal iyo 29 jirka reer Germany.

Kooxda La Liga ka dhisan ayaa lagu soo waramayaa inay u aragto Ozil bedelka ugu macquulsan ee Saul Niguez, oo ka tagi kara bisha Janaayo.

Tababare Diego Simeone ayaa la sheegayaa inuu diyaar ula yahay Ozil mushaar 200 kun oo ginni isbuucii, inkastoo laga yaabo inuu xiiseynayo la shaqeynta Jose Mourinho.

Ozil oo dhaliyay hal gool labana caawiyey sagaal kulan oo Premier League ah xilli ciyaareedkaan, waxa uu la hadli karaa kooxdii uu doono bisha Janaayo haddi uusan aqbalin qorshaha heshiiska cusub ee kooxdiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here