Mourinho Oo Shaaca Ka Qaaday In Matic Uu Dalbaday In La Bedelo Kulankii Xalay & Sababta Oo La Shaaciyay

0
24

Manchester United ayaa kahadashay xaalada dhaawaca looga saaray garoonka xiddiga khdakd dhaxe ee Nemanja Matic kulankii xalay ee Watford.

Tababare Jose Mourinho ayaa ka walwalsan dhaawaca muruqa ah ee soo gaaray Nemanja Matic kulankii kooxdiisa 4-2 kaga badisay Watford.

Matic ayaa daqiiqadii 54-aad ee ciyaarta lagu bedelay Ander Herrera, iyadoo United hogaanka u heysay kulankii Vicarage Road.

“Matic waxa uu ii sheegay inuu doonayo in la bedelo, ma sameyn laheyn bedelka haddii uusan codsan laheyn, waa musiibo,” Mourinho ayaa sidaasi u sheegay BBC.

Anthony Martial iyo Ashley Young ayaa hogaanka u dhiibay United qeybta hore ee ciyaarta, inkastoo Troy Deeney iyo Abdoulaye Doucoure laba gool usoo celiyeen kooxda Watford.

Jose Mourinho ayaa hadda ka walaacsan xaalada dhaawaca cusub ee Nemanja Matic, kaasoo la marsiin doono maanta baritaano lagu ogaanayo inta uu la egyahay dhaawaciisa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here