Qandaraaska Messi, Inay Isla Ciyaaraan Vermaelen & Umtiti, Inuu Alcacer Wajihi Karo Valencia Iyo Arihimii Kale Ee Valverde Kaga Hadlay Shirkiisa Jaraa”id

0
64

Ernesto Valverde ayaa saxaafada la hadlay ka hor kulanka caawa uu kula ciyaarayo kooxda kaalinta labaad kaga jirta La Liga ee Valencia garoonka Mestalla.

Xaalada heshiska cusub ee Lionel Messi, awooda weeraryahankiisa Paco Alcacer, sida ay isaga garab ciyaari karaa labada daafac ee Vermaelen iyo Umtiti, iyo arimo kale ayuu kaga hadlay shirkiisa jaraa’id tababare Ernesto Valverde.

Ugu horeyn Tababare Valverde ayaa wax laga weydiiyay heshiiska cusub ee Messi?

Waxaan u maleynayaa inuu yahay war wanaagsan, dadku hadda way nasan karaan, Waxaan sugeynay inuu heshiiskaan si rasmi ah u dhaco waqti badan.

Ernesto Valverde  oo qoslayay ayaa saxaafada kula kaftamaya “haddii uu dhacay heshiiska Messi, waa inaad su’aalaha ku saabsan isaga naga yareysaan si aan mowduucyo kale kaga hadalno.

Waan ku faraxsanahay isaga inuu saxiixay heshiis, waxaan dareemayaa in qof walba uu ku faraxsanahay waxa dhacay ayuu hadalkiisa ku daray tababare Ernesto Valverde.

Valverde ayaa dhanka kale wax laga weydiiyay xaalada daafacyadiisa Vermaelen iyo Umtiti iyo sida ay isaga garab ciyari karaan?

Waxaan u maleynayaa marka xaalad sidan oo kale ah ay jirto laba daafac dhexe oo bidix kuwada ciyaara waa halis inad wada isticmaasho, dadku waxay u maleynayaan inay tahay wax la yaab leh, laakiin markaad ku ciyaareyso laba lugood oo sax ah dadku uma maleynayaan inay tahay mid aad u qosol badan.

Sidaa darteed waxaa jira farqi weyn, Waa laba daafac oo caalami ah, waxay u ciyaraan si kala duwan marka ay garoonka kujiraan.

Waa kulan muhiim ah, waxaanan aaminsanahay umtiti iyo Vermaelen labadaba in ay si wanaagsan u shaqeyn karaan, Waxaan u maleynayaa in ay ciyaari doonan kulanka caawa labaduba.

Valverde ayaa sidookale wax laga weydiiyay wiilka cusub ee David Costas kaasoo lagu arkay kooxda koowaad?

Natiijada sawirka David Costas

Waxaan dooneynaa inaan qaadno David Costas oo ah ciyaaryahan katirsan kooxda Barcelona B kulanka caawa ee Valencia, Waxa uu leeyahay waayo-aragnimo iyo astaan ka duwan ciyartooyda kale.

Valverde ayaa dhanka kale saxaafada ay wax ka weydiisay awooda Valencia?

Natiijada sawirka Valencia Won Espanyol

Waxay ku jiraan waqti aad u fiican, xajmiga guusha markasta wey ku dhawyihiin, Waxay leeyihiin tababare wanaagsan, ciyaartoy wanaagsan, waxay leeyihiin qorshe cad oo ay si fiican ugu shaqeeyaan.

Ma haystaan tartamo badan oo ay ku mashquulaan bartamaha todobaadka, taas ayaana saacidi karta, Waxaan qabaa inay sarre u qaadi doonaan hamigooda, waxay kujiraan xilli ciyaareed fiican.

Iyadoo lagu saleynayo dhammaan wixii ay sameeyeen, waxyaabo fiican ayaan u rajeynayaan xili ciyaareedkaan, Waxay halkaa ku yimaadeen awooda ay leeyihiin ayuu yiri tababare Valverde.

Valverde ayaa saxaafada weydiisay wax ku saabsan Real Madrid iyo Atletico?

Eeg xisaabta, waxaa jira waxyaabo badan oo ka haray horyaalka, waxaan ognahay sida ay u fiican yihiin ciyaartoyda ay heystaan. Dadku waxay eegaan 10 dhibcood, laakiin waxaana ognahay in ay naga dambeeyaan kulamo adag iyo xifaaltan badan.

Valverde ayaa la weydiiyay haddii uu Paco Alcacer ciyari doono kulanka Valencia?

Waxaan dooneynaa inuu gool dhaliyo, Waa ciyaaryahan joogta ah oo isku dayaya inuu si furan u ciyaaro, wuxuuna isku dayayaa inuu goolal dhaliyo,

Waxaa rabnaaa inaan caawino isaga, Luis Suarez ayaa sidoo kale isku dayaya inuu taas mid lamid ah sameeyo, waxaana isku dayayaa inaan Alcacer ka caawino inuu garabka ka ciyaaro, laakiin daqiiqado adag ayuu soo maray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here