Friday, January 19th, 2018
Advertisements
Advertisements

Raisul Wasaaraha Ingiriiska Theresa May oo Ruushka ku eedaysay in uu faragaliyay doorashada

Published on November 14, 2017 by   ·   No Comments

Theresa May ayaa weerarkii ugu adkaa ku qaaday Ruushka iyadoo ku eedaysay Moscow in ay farogelisay doorashooyinkii ayna qaadayso basaasid dhanka Internetka ah.

Iyadoo magaalada London khudbad ka jeedinaysa ayay sheegtay in xukuumadda Vladimir Putin ay isku dayayso in ay “xagal daaciso bulshooyinka xorta ah”.

Waxay sheegtay in uu abuurayo “sheekooyin been abuur ah” si uu u tilmaamo “in reer galbeedku is khilaafsan yihiin”.

Laakiin waxay intaas ku dartay in UK aysan doonaynin in ay “si joogto ah isaga horyimaadaan” Ruushka ayna danahooda difaacan doonaan.

Hadalkeedan ayaa ka gadisan midkii madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, kaas oo toddobaadkii hore sheegay in uu aaminsan yahay diidmada Putin ee ku aadan in uusan farogalinin doorashadii madaxweynenimada Maraykanka ee 2016kii.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Britain Boris Johnson ayaa lagu wadaa in uu Ruushka booqdo bisha soo socota.

May ayaa markii ay khudbadda jeedinaysay sheegtay in ay tahay in Ruushku uu noqdo saaxiib qiimo u leh Yurub, taasina ay dhici karto oo kali ah haddii uu sharciga ku dhaqmo jidka uu hadda hayana ka leexdo.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{AKHRISO} Nin Bilyan dheer ku noqday saacado gudahood

January, 19, 2018
Ninka asaasay shirkadda tagaasiista ee Uber Travis Kalanick ayaa si rasmi ah u noqday bilyan dheer saacado gudahood, ...

Madaxweynaha Soomaliya Oo Amray In Aan La Bixin Dhul Dowladeed

January, 19, 2018
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu ka walaacsanyahay jiritaanka warar sheegaya ku xadgudub dhulalka ...