Thursday, December 14th, 2017
Advertisements
Advertisements

RASMI: AC Milan Oo Ceyrisay Vincenzo Montella Xili Tababaraha Cusub Ee Kooxda Lagu Dhawaaqay

Published on November 27, 2017 by   ·   No Comments

AC Milan ayaa ceyrisay tababare Vincenzo Montella, iyadoo xilka macalinka koowaad ee kooxda loogu dhiibay ninka carada badan ee Gennaro Gattuso.

Milan ayaa kujirta kaalinta 7aad ee Serie A, ayaa 18 dhibcood ka dambeysa kooxda hogaamineysa horyaalka Talyaaniga ee Napoli.

AC Milan ayaa badisay kaliya laba kamid ah sagaalkii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka Talyaaniga, Waxaana ay barbaro 0-0 ah la galeen xalay kooxda Torino.

AC Milan ayaa laga badiyay lix ka mid ah 14 kulan oo laga ciyaaray horyaalka Serie A xilli ciyaareedkan,taasoo keentay in la ceyriyo tababare Montela.

Gattuso, oo ah ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe kooxda AC Milan, ayaa laga soo dalacsiiyay kooxda dhalinyarada ah isagoo noqon dona bedelka Vincenzo Montella.

39 jirkaan Talyaani ah ayaa Milan u ciyaaray intii u dhaxeysay 1999 iyo 2013, isagoo kula guuleystay horyaalka Serie A iyo Champions League min labo jeer.

AC Milan oo ku guuleysatay horyaalka Talyaaniga 18 jeer ayaan ku dhameysan seddexda boos ee ugu sareysa Serie A tan iyo 2013kii.

Waxay £ 205m ku iibsadeen saxiixyo cusub tan iyo markii ganacsato Chines ah la wareegeen milkiyada kooxda bishii April ee sanadkaan.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA} Muhtaar Roobow Abuu Mansuur oo gaaray magaalada Kismaayo

December, 13, 2017
Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo mudooyinkii ugu danbeeyay safarro kala duwan ku marayay qeybo ka tirsan gobollada Bay ...

Deg Deg Dagmada Qoryooley Oo Laga Hirgaliyay Nalalka Ku Shaqeeya Cadceeda

December, 13, 2017
Deg Deg Dagmada Qoryooley Oo Laga Hirgaliyay Nalalka Ku Shaqeeya Cadceeda