Real Madrid Oo Dooneysa Saxiixa Daafaca David Luiz Xili Blues Soo Nooleysay Xiisihii Alex Sandro

0
25

Real Madrid ayaa ku biirtay tartanka loogu jiro saxiixa David Luiz ka dib markii xiddiga Chelsea ay isku dhaceen tababare Antonio Conte.

kooxda reer Spain ayaa diyaar u ah inay bisha Janaayo u dhaqaaqdo saxiixa daafac reer Brazil, kaasoo hadda kursiga keydka la fariisiyay.

Tababaraha Real Madrid Zinedine Zidane ayaa qiray in kooxdiisa ay suuqa ugu jirto ciyaartoy cusub bisha Janaayo, waxaana bartilmaameed u noqday Luiz  oo xiiso ka helaya Manchester United .

Chelsea ayaa la filayaa inay dalab kale u dirto daafaca kooxda Juventus Alex Sandro, kaasoo lagu qiimeeyo 60 milyan oo ginni haddii uu ka tagayo kooxdiisa bisha Janaayo.

Ciyaaryahanka reer Brzil ayaa ku guuldareystay inuu ku biiro kooxda Chelsea xilli ciyaareedkii hore kadib markii la isku fahmi waayay qiimaha heshiiska.

Luiz  iyo Conte ayaa isku dhacay kadib barbarihii Roma ku gashay garoonka Stamford Bridge, markaasoo tababaraha reer Italy bedel ku sameeyay daafacii hore ee PSG.

David Luiz

Waxaa jiray dagaal kale oo u dhaxeeyay labada shaqsi ka dib markii guuldarro 3-0 ah Chelsea kala kulantay Rome, markaasoo xitaaa Conte ku qeyliyay Luiz.

Luiz ayaa laga saaray kulankii kooxdiisa 1-0 kaga badisay United ka dib markii uu su’aal ka keenay shaxda tababare Conte, waxaana sidoo kale uu seegay kulamadii West Brom iyo Liverpool.

Luiz ayaa sidoo kale seegi doona kulanka Swansea ee caawa ka dhacaya Stamford Bridge ka dib markii Conte uu shaaca ka qaaday inuu dhaawac jilibka ah qabo, waxaana shaki la gelinayaa mustaqbalka 30  jirkaan ku leeyahay Stamford Bridge.

Daafaca reer Brazil qandaraaskiisa Chelsea waxaa ka haray kaliya 18 bilood, ka dib markii uu Chelsea kaga soo biiray Paris Saint-Germain xagaagii 2016kii.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here