WARBIXIN: Zinedine Zidane & Florentino Perez Oo Isku Khilaafsan Ciyaartooyda Real Madrid Kaga Baahan Tahay Suuqa Bisha Janaayo

0
19

Tababaraha kooxda Real Madrid Zinedine Zidane ayaa si lama filaan ah ugula hadlaya xaalada suuqa kooxdiisa madaxweyne Florentino Perez.

Kooxda La Liga ka dhisan ayaa si aad ah ugu baahan inay xoojiso awoodeeda ka dib markii ay ku bilaabatay niyadjab xilli ciyaareedkaan.

Real Madrid ayaa kujirta kaalinta afaraad ee horyaalka, iyadoo 8 dhibcood ka dambeysa kooxda hogaanka heysa ee Barcelona.

Kooxda ayaa laga yaabaa in ay soo iibsato ciyaaryahano waaweyn, iyadoo aan la hubin mustaqbalka Cristiano Ronaldo, Gareth Bale iyo Karim Benzema.

Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay suuqa u diyaarisay lacag dhan £ 200m si ay usoo iibsato ciyartooy Galacticos ah xagaaga soo aadan.

Labada shaqsi Zidane iyo Perez labadaba waxa ay doonayaan inay keenaan ciyaartooy awood u leh in ay kooxdu difaacato tartanka Champions League xili ciyaareedkaan.

Sida laga soo xigtay Don Balon, labada shaqsi ayaa leh fikrado iska soo horjeeda, kuwaasoo ay doonayaan inay isbedel ugu sameeyaan garoonka Bernabeu.

Tababaraha Real Madrid Zidane ayaa qiray in xiddiga Chelsea Eden Hazard uu yahay bartilmaameedkiisa koowaad, waxaana uu sidoo kale isha ku hayaa daafaca Atletico Madrid Lucas Hernandez.

Tababaraha reer France ayaa rajeynaya inuu Benzema sii joogo kooxda, inkastoo uu xiiso ka helayo kooxda Arsenal, islamarkaana kooxdiisa lala xiriirinayo weeraryahanka Inter Milan Mauro Icardi.

Si kastaba ha ahaatee Perez ayaa ka fakiraya mustaqbalka Real Madrid, waxaana uu bartilmaameed ka dhiganayaa Harry Kane iyo Dele Alli.

SIdookale Madrid ayaa lala xiriirinayaa xiddiga reer Argentine Paulo Dybala, kaasoo xilli ciyaareedkan dhaliyay 14 gool, inkastoo dagaal Barcelona iyo Manchester City isha ku hayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here