Thursday, December 14th, 2017
Advertisements
Advertisements

WARGEYSYADA IYO WARARKA KOOXAHA: Bale, Eriksen, Martinez, Lewandowski, Sanchez, Martial, Seri & Ciyaartooyda Kale Ee Suuqa Saaran

Published on November 27, 2017 by   ·   No Comments

Barcelona ayaa diirada saareysa kubad sameeyaha Tottenham iyo Denmark Christian Eriksen oo 25 jir ah bisha Janaayo. (Don Balon – Isbanish)

Manchester City ayaa ka fiirsaneysa inay dalab u dirto bisha Janaayo daafaca Real Sociedad 26 jirka reer Spain Inigo Martinez. (Sun)

Tababaraha Real Madrid Zinedine Zidane ayaa sheegay in garabka Wales Gareth Bale oo 28 jir ah uusan iib noqon doonin bisha Janaayo. (Daily Star)

Kooxda heysata Champions League ee Real Madrid ayaa dooneysa inay dalab 80 milyan oo ginni ah kula wareegto 21 jirka weerarka uga ciyaara Manchester United Anthony Martial xagaaga soo aadan. (Daily Mirror)

Arsenal ayaa ka fiirsan doonta dalabyada u imaanaya ninka reer Chile ee Alexis Sanchez oo 28 jir ah, xiddiga khadka dhexe ee Mesut Ozil oo 29 jir ah iyo Jack Wilshere oo 25 jir ah. (Daily Express)

Tottenham ayaa baadigoobeysa daafaca dambeedka bidix ee kooxda Bologna Adam Masina oo 23 jir ah, iyagoo u arka bedelka daafaca reer England Danny Rose oo 27 jir ah kaasoo ku biiri kara Manchester United. (Daily Mirror)

Tababaraha Chelsea Antonio Conte ayaa ku booriyay Blues in ay lacag galiso suuqa kala iibsiga bisha Janaayo hadii ay doonayaa in ay horyaalka kula dagaalamaan Manchester City. (Daily Mail)

Paris St-Germain ayaa xiriir la sameysay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Nice ee Jean Seri oo 26 sanno jir ah. (Le Parisien – Faransiis)

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Liverpool Marko Grujic, oo 21 sanno jir ah, ayaa Amaah uga tagi doona Anfield bisha Janaayo. (Daily Mirror)

Robert Lewandowski xaaskiisa ayaa sheegtay in weeraryahanka Poland uu qorsheynayo inuu xirfadiisa kubadda cagta ku dhammeysto kooxda LA Galaxy. (Daily Mirror )

 

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA} Muhtaar Roobow Abuu Mansuur oo gaaray magaalada Kismaayo

December, 13, 2017
Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo mudooyinkii ugu danbeeyay safarro kala duwan ku marayay qeybo ka tirsan gobollada Bay ...

Deg Deg Dagmada Qoryooley Oo Laga Hirgaliyay Nalalka Ku Shaqeeya Cadceeda

December, 13, 2017
Deg Deg Dagmada Qoryooley Oo Laga Hirgaliyay Nalalka Ku Shaqeeya Cadceeda