Thursday, May 24th, 2018
Advertisements
Advertisements

{Akhriso}Taariikhda Jilaa Caan ah oo geeriyooday Dalka hindiya

Published on December 6, 2017 by   ·   No Comments

Shashi Kapoor oo ahaa jilaa iyo soo saare ka tirsanaa Bollywood ayaa ku dhintay hindiya wuxuuna ahaa 79 sano jir.

Kapoor, oo jilay aflaan badan oo meel sare gaaray sida Deewar iyo Kabhie Kabhie, wuxuu xanuunsanaa muddo oo uu ku jiray cisbitaal.

Wuxuu xubin ka ahaa qoysaska Kapoor, kuwaas oo tobannaan sanno aad ugu badnaa jilidda aflaanta Hindiga.

Wuxuu dhowr goor ku guuleystay abaalmarinno qaran, waxaa sidoo kale dowladda Hindiya ay siiyay abaalmarinta sharfidda shacabka ee Padma Bhushan, sannadkii 2011-kii.

Sidoo kale wuxuu ka qeybgalay jilliinka aflaan British iyo American ah.

Kapoor wuxuu aflaanta ku soo biiray isagoo aad u yar, wuxuuna jilay illaa 150 filim oo ay ka mid yihiin tobannaan ah aflaanta Britain.

Aflaantiisa qaar waxaa loo turjumay Afsoomaali waxaa daawado dad badan oo Soomaali ah oo taageera jilaagan.

Wuxuu aflaan badan la jilay jilaaga caanka ah Amitabh Bachchan (oo Soomaalida qaar ay u garanayaan Cali Dheere), kaas oo ahaa ragga ugu aflaanta fiican Bollywood. Sannadihii 1970-maadkii illaa 18-meeyadii, waxay labada jilaa sameeyeen aflaan ay walaalo wanaagsan yihiin ama saaxiibo aad isugu fiican.

Hadalkiisii ahaa “Mere paas maa hai” (Laakiin waxaan haystaa taageerada hooyo) – xilli ay murmeen Cachchan oo walaalo ay ku jilayeen Deewar, wuxuu haqday middkii ugu sareeyay ee malaayiin tqof oo caalamka ku kala sugan ay taageereen.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Yemen Oo la giliyay Xaallad Degdeg Ah Iyo Ku-Dhawaad 20 Qof Oo Lagu La’ Yahay Duufaan Ku Dhufatay Jesiiradda Soqotra Ee Dalkaasi.

May, 24, 2018
Qaar ka mid ah dadka la la’ yahay ayaa ahaa shaqaale la socday 2-dooni oo degtay, kadib, markii ...

{DAAWO SAWIRADA }Wasiirka Amniga Soomaliya Oo Hortagay Guddgiga amniga ee Golaha Shacabka

May, 24, 2018
Guddiga Arrimaha Guddaha iyo Amniga ee Golaha Shacabka ayaa Kulan la qaatay Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxmed ...