Thursday, May 24th, 2018
Advertisements
Advertisements

Bannaanbax ka dhan ah go’aankii Trump Oo Muqdisho oo lagu qabanaayo

Published on December 8, 2017 by   ·   No Comments

Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Jimco ah lagu wadaa in lagu qabto bannaanbax looga soo horjeedo go’aankii uu Madaxweynaha Mareykanka ugu aqoonsaday Magaalada Qudus inay tahay Caasimadda Israel.

Madaxweyne Donald Trump ayaa Arbacadii amray in Safaaradda Mareykanka laga raro Magaalada Tel Aviv, loona wareejiyo Magaalada Qudus, taas oo ka careysiisay dunida Muslimka.

Dadka Muslimiinta ah ayaa qaarkood dhigay bannaanbaxyo ay ku muujinayan sida ay kaga careysan yihiin tallaabada Qudus loogu xallaaleynayo Maamulka Yahuudda, iyadoo Muslimiin kalena ay qorsheynayan inay isu soo baxyo sameeyan.

Magaalada Muqdisho, ayaa ka mid ah magaalooyinka la doonayo in Jimcaha maanta lagu qabto bannaanbax si weyn loogu cambaareynayo go’aanka ka soo baxay Madaxweynaha Mareykanka.

Culimada Soomaaliyeed ayaa dadka reer Muqdisho ugu baaqay inay maanta isugu soo baxaan goob kastaa oo ay isugu imaan karaan, si ay ugu muujiyan dareenkooda ku aadan xiisadda Qudus.

Khudbadda Jimcaha, ayaa inta badan Masaajida waxaa lagu soo qaadan doonnaa go’aanka xasaasiga ah ee Trump uu Qudus ugu aqoonsaday Caasimadda Maamulka Israel.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Yemen Oo la giliyay Xaallad Degdeg Ah Iyo Ku-Dhawaad 20 Qof Oo Lagu La’ Yahay Duufaan Ku Dhufatay Jesiiradda Soqotra Ee Dalkaasi.

May, 24, 2018
Qaar ka mid ah dadka la la’ yahay ayaa ahaa shaqaale la socday 2-dooni oo degtay, kadib, markii ...

{DAAWO SAWIRADA }Wasiirka Amniga Soomaliya Oo Hortagay Guddgiga amniga ee Golaha Shacabka

May, 24, 2018
Guddiga Arrimaha Guddaha iyo Amniga ee Golaha Shacabka ayaa Kulan la qaatay Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxmed ...