Thursday, January 18th, 2018
Advertisements
Advertisements

Cristiano Ronaldo Oo Halyeyga Juventus del Piero Uga Sheekeeyay Shaqada Uu Qaban Doono Marka Uu Ka Hawlgabo Kubadda Cagta.

Published on December 30, 2017 by   ·   No Comments

Weeraryahanka Real Madrid Cristiano Ronaldo mustaqbalkiisa ayaa si weyn la isku weydiinayaa, balse marka laga hadlo mustaqbalkiisa fog ee ka dambeeya kubadda cagta wuu ogyahay halkii uu durba sii caga dhigan lahaa.

Kabtanka Portugal ee haatan wuxuu meesha ka saaray inuu ku lug lahaan doono ciyaaraha marka uu hawlgabo, 32-jirkaan ayaana aaminsan inuu isaga bixi doono garoomada isagoo qaban doono shaqo aan xitaa la xiriirin mihnadiisa hadda.

“Waxaan jeclahay inaan sameeyo aflaanta, waxaan leeyahay hoteelo, heysta qolka jir dhiska, xirtaa dhar ay leedahay Nike, waxaan nafsadeyda u arkaa sida nin ganacsade ah” ayuu yiri Ronaldo oo la hadlayay halyeyga Juventus Alessandro del Piero, wareysigaan wuxuu ka bixi doonaa January Sky Italia.

 

“Waqtigaan waxaan diirada saari doonaa waxa aan qabanayo, inkastoo aan si cad u ogahay dhawaan iyo fogaanba in waqtigii aan hawlgabi lahaa uu imaanayo”

“Nolosheyda kadib kubadda cagta waxey noqon doontaa mid qurux badan, waan hubaa, kalama jeedo lacagta, balse farxadda waxa aan sameynaayo”

Dhanka kale Ronaldo wuxuu qiray inta uu wareysiga siinayay Del Piero oo ka wakiil ah Sky Italia inuu ku dhawaaday ku biiritaanka Juventus.

“Waan ku faraxsanaa xiisaha Juventus waayo waa koox aan caadi aheyn, balse kadib waxaan go’aansaday inaan aado United”

“Waxaan jeclaa Premier League in ka badan Serie A-da”

“Sidoo kale wey la hadleen Real Madrid, balse mar walba waxaan qaadanayay go’aanka saxda ah, waxaana ku mahadsan Jorge Mendes”

 

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

DAAWO: Galmudug Iyo Ahlusuna Oo Midoobay Iyo Calanka Galmudug Oo Laga Taagay Magaalada Dhuusamareeb

January, 18, 2018
Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud ayaa waxaa lagu soo gaba gabeeyay shirweyne lagu dhameystirayay heshiis ay Muqdisho ...

{Akhriso} Baarlamaanka Puntland oo xukuumadda ka dalbaday in ay difaacdo Tukaraq

January, 18, 2018
kulan ay maanta isugu yimaadeen Guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka Maamulka Puntland ayey xukuumadda kaga dalbadeen in ay ...