Thursday, January 18th, 2018
Advertisements
Advertisements

{DAAWO SAWIRADA} Farxaan Booq oo guuldarro ka bad baadiyay Ciyaartooyda Puntland

Published on December 12, 2017 by   ·   No Comments

Xulka difaacanaya koobka ee Puntland ayaa waqti dambe bar baro ka helay Hirshabeele ciyaar xiiso badan oo ka dhacday garoonka Koonis.

Kullanka ayaa ahaa kii ugu adkaa ciyaaraha maamul goboleedyada waxa uuna ku soo dhamaaday  bar baro 3-3.

Ciyaarta oo socota waxa ka yar 10 daqiiqo ayaa  Puntland waxa ay heshay  goolka koowaad  waxaana u dhaliyay weeraryahankooda Yacquub Cusmaan isagoo ciyaarta ka dhigay 1-0.

Hirshabeele ayaa loo dhigay gool ku laad qeybtii hore ee ciyaarta ha yeshee calan wadaha koowaad ayaa diiday, waxaana durba Puntland ay dhaliyeen goolkii labaad xilli uu shabaqa gaaray Maxamuud Maxamed.

Ciyaaryahanka Cali Waarikoow oo ka tirsan Hirshabeele ayaa wax  ka badelay natiijada kullanka markii uu dhaliyay gool cajiib ah isla qeybtii hore.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee dheesha  Hirshabeele waxa ay soo qaadeen weeraro is xiga waxaana laba gool oo deg deg ah ansixiyay xiddiga C/risaaq Axmed Maxamed xilli natiijada ciyaarta ay isku badeshay 3-2 oo Puntland lagu hoggaaminayo.

Daqiiqaddii ugu dambeysay ciyaarta ayaa Puntland waxa ay heshay goolkii bar braha  waxaana madax u dhaliyay xiddiga lambarka 11’aad ee Farxaan  Cusmaan Booq iyadoo ciyaarta kusoo dhamaatay 3-3.

Sikastaba Koofur Galbeed ayaa usoo baxday wareega afar dhamaadka,waxaana rajada Hirshabeela ay ku xiran tahay Puntland oo guuldarro la kullantay, ha yeeshee xulka difaacanaya koobka ayaa u baahan kaliya hal dhibic.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

DAAWO: Galmudug Iyo Ahlusuna Oo Midoobay Iyo Calanka Galmudug Oo Laga Taagay Magaalada Dhuusamareeb

January, 18, 2018
Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud ayaa waxaa lagu soo gaba gabeeyay shirweyne lagu dhameystirayay heshiis ay Muqdisho ...

{Akhriso} Baarlamaanka Puntland oo xukuumadda ka dalbaday in ay difaacdo Tukaraq

January, 18, 2018
kulan ay maanta isugu yimaadeen Guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka Maamulka Puntland ayey xukuumadda kaga dalbadeen in ay ...