Tuesday, February 20th, 2018
Advertisements
Advertisements

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Farmaajo Oo Shir Gudoomiyay Kulan Looga Hadlayay Dib U Eegista Dastuurka

Published on December 7, 2017 by   ·   No Comments

Madaxweynaha Jamhuuriyaradda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Shir guddoomiyay kulan looga hadlayay hannaanka dib u eegista dastuurka oo xalay lagu qabtay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya , waxaana  ka soo qeybgalay guddoonka Labada aqal ee Barlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha XFS, Madaxwehnayaasha Dowlad Goboleedyada, Guddiga Madaxa Bannaan ee Dastuurka iyo guddiyada kormeerka arrimaha dastuurka ee labada aqal.

Shirkan ayaa ujeedkiisu ahaa in ay isku bartaan guddiyada arrimaha dastuurka ee Heer Federal iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada.

Dib u eegista dastuurka ayaa ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee horyaalla dowladda Soomaaliya, iyada oo ay xukuumaddu u qoondeysay miisaaniyad hawlaha Lagu dhameystiro Dastuurka.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA} Toogasho haween lagu laayey oo ka dhacday kaniisad ku taalla gobolka Dagestan

February, 19, 2018
Ugu yaraan Shan haween ah ayaa lagu diley weerar ka dhacey kaniisad ku taalla gobolka Dagestan ee dalka ...

Dowlada Sudan oo xabsiga ka sii deysay dad loo xirey arrimo siyaasadeed

February, 19, 2018
Xukuumada Sudan ayaa xabsiga ka sii deysay inkabadan 80 ruux oo ahaa maxaabiis dhinaca siyaasada loo xirey kadib ...