Wednesday, February 21st, 2018
Advertisements
Advertisements

{DAAWO SAWIRADA} Maxaadna Ogeeyn Oo Manta Ka Jiro Gobolka Gedo.

Published on December 5, 2017 by   ·   No Comments

Taliyaha Qaybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Jeneraal Ismaaciil Saxardiid, ciidamada dowladda ayaa sheegay in  ay dhaqdhaqaaq ciidan ka bilaabeen degaano ka tirsan Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Dhaqdhaqaaqan ciidan ayaa wuxuu ka dambeeyay, kadib markii sida la sheegay Saraakiil ka tirsan Shabaab lagu arkay degaano ka tirsan Gobolka Gedo, ciidamadana ay bilaabeen baadigoobka ku aadan xubnahaasi.

Jeneraal Saxardiid, ayaa wuxuu sheegay ciidamada dowladda inay ku wajahan yihiin degaanada laga sheegay Saraakiisha Shabaabka, isaga oo intaasi raaciyay duqeymaha Mareykanka oo kordhay inay sababtay firxad xubno badan oo Shabaab ka tirsan.

Ciidamada Gobolka Gedo ku sugan iyo ciidanka jooga Jubbooyinka ayuu sheegay inay labada dhinacba wadaan dhaqdhaqaaqa ku aadan baadigoobka xubnahan Shabaabka ka tirsan.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa warar soo baxay waxa ay sheegayeen xubno Shabaab ka tirsan oo Saraakiil ah in lagu arkay degaano iyo Degmooyin ka mid ah Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Duqeymaha Mareykanka iyo diyaaradaha Kenya ay ka gaysanayaan Gobolada Jubbooyinka Iyo Gedo ayaa sii xoogeystay kadib markii Madaxweynaha Mareykanka uu amray in la kordhiyo duqeymaha Shabaab iyo Daacish.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA} Wasiir kuxigeenka Dhalinyarada cayaaraha Iyo Waxbarshada Oo La Kulmay Bahda Sportiga Gobolka hiiraan  

February, 21, 2018
Wasiir kuxigeenka wasarada Dhalinyarada cayaaraha Iyo Waxbarshada  Maamulka hirshabelle oo mal mahaan ku sugnaa magalada Baladweyne ee Gobolka ...

Puntland oo xirtay dhalinyaro ay la xiriirisay Al-Shabaab.

February, 20, 2018
Ciidanka amniga ee ka howlgala kantaroolka koofureed ee magaalada Garowe; ayaa gacanta ku dhigay labo nin oo uu ...