Thursday, May 24th, 2018
Advertisements
Advertisements

{DAAWO SAWIRADA} Qodobo Ka Soo Baxay Kulankii Maanta Ee Baarlamaanka Soomaaliya

Published on December 6, 2017 by   ·   No Comments

Kulankii ay Maanta Xildhibaanada Golaha Shacabka ku yeesheen  Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa  goor dhow soo idlaaday  waxaana Shir Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Shekh Cismaan Jawaari.

Kulankaan ayaa Waxaa Soo xaadiray Xildhibaano tiradooda gaareysa 141 Mudane, Xildhibaanada ayaa waxaa loo qeybiyay Ajendayaasha kulanka maanta oo ka koobnaa laba qodob oo kala ahaa.

Qeybinta iyo Akhrinta Qorshe-Howleedka Guddiyada Golaha Shacabka.

Xisaab celinta Gargaarka degdegga gaarka ah ee Xildhibaannada.

Mudanayaasha Golaha shacabka ayaa guda galay ajendaha ugu horeeya ee kulanka iyagoo loo qeybiyay Qorshe Howleedka guddiyada, waxaana ka hor Akhriyay Xildhibaanada hortooda Guddoomiyaasha Guddiyada Golaha oo mid mid u Akhriyay Qorshe howliidkiisa.

waxa ay Mudanayaasha Golaha Shacabka sidoo kale u gudbeen ajendaha labaad ee kulanka iyagoo codsaday in dib loo dhigo ajendaha labaad si Xildhibaanada ay uga yeeshaan dood ku saabsan ajendahaan, Guddomiyaha Golaha ayaana ka ogolaaday mudanayaasha sidoo kalena mudanayasha Golaha Ka codsaday in la dar dargaliyo Howlaha horyaalla Golaha oo ay Shacabka ka sugayaan.

Hoos Ka Daawo Sawirrada Kulankii Baarlamaanka ee Maanta

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA} Dowladda Jabuuti oo Deeq Raashin ah u Qaybisay Dadka ku Nool Jalalaqsi Ee Gobolka Hiiraan

May, 24, 2018
Kaalmadaan Raashinka ah  oo ka koobnayd; Bariis, Sokor, Bur iyo Saliid, ayaa la Gaarsiiyay Dadkii Dhawaan ku Barakacay Fatahaaddii ...

{DAAWO SAWIRADA} Dhaawaca 35 Qof Iyo Hal Meyd Ah Oo La Geeyey Magalada Laas-Caanood

May, 24, 2018
Wararka naga soo gaaraya duleedka Magalada laas-caanood ee Xarunta gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in duleedka Magaaladaasi ...