Tuesday, February 20th, 2018
Advertisements
Advertisements

Dab xooggan oo Khasaaro dhaliyay oo ka kacay California

Published on December 6, 2017 by   ·   No Comments

Kumannaan qof ayaa ka barakacay guryahooda ku yaal koonfurta gobolka California, ka dib markii uu halkaa ka kacay dab ay huriyeen dabaylo xooggan.

Dabka ayaa ka kacay deegaanka Ventura ee waqooyiga Los Angeles, waxaana uu saddex jibaarmay saacadihii lasoo dhaafay.

In ka badan 150 dhismo oo uu ku jiro cisbitaal dhimirka ah, ayaa ku gubtay dabkaasi, waxaana uu koronto la’aan dhigay ku dhawaad rubuc milyan guri.

Weriye  ku sugan meel u dhaw Los Angeles ayaa sheegay inuu arkay qiiq kacay oo xiray wadooyinka waaweyn ee magaaladaasi gala.

Barasaabka California, Jerry Brown ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah.

Khubarada saadaasha hawada ayaa sheegtay in dabeylaha ay socon doonaan dhowr maalmood.

BBC

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA} Toogasho haween lagu laayey oo ka dhacday kaniisad ku taalla gobolka Dagestan

February, 19, 2018
Ugu yaraan Shan haween ah ayaa lagu diley weerar ka dhacey kaniisad ku taalla gobolka Dagestan ee dalka ...

Dowlada Sudan oo xabsiga ka sii deysay dad loo xirey arrimo siyaasadeed

February, 19, 2018
Xukuumada Sudan ayaa xabsiga ka sii deysay inkabadan 80 ruux oo ahaa maxaabiis dhinaca siyaasada loo xirey kadib ...