Thursday, December 14th, 2017
Advertisements
Advertisements

{DHAGEEYSO} Maxaa Kasoo Baxay Shirkii Golaha wasiirada Soomaliya ?

Published on December 7, 2017 by   ·   No Comments

Shirkii caadiga ahee ee Golaha Wasiirada ee Xukuumada Dawladda Federaalka maanta yeesheen oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Khayre ) ayaa looga hadlay arrimaha amniga, Heshiiskii Ahlusuna iyo Galmudug, shirarkii Muqdisho ka dhacay iyo warbixino laga dhageystay Wasiirada qaarkood.

Wasiir ku xigeenka Amniga C/naasir iyo Wasiiru Dowlaha Amniga Xasan Macalin ayaa waxa ay ka hadleen arrimaha amniga, oo ay ka mid aheyd istiraatiijiyadda amniga gudaha 2017-ka ilaa 2022-ka, taasi oo saldhig u ah qorshaha horumarinta Qaranka, Golaha ayaa dood dheer kadib waxa ay u codeeyeen in la dhaqan geliyo Istiraatiijiyadaasi.

Wasiiru Dowlaha Amniga Xasan Macalin ayaa sheegay in Ciidamada ammaanka Howlgal ay ka fuliyeen degmada Afgooye ku soo qabteen Laba Shabaab ka tirsan, oo dil u geystay shacabka degaankaas, sidoo kalena Diinsoor ay iska soo dhiibeen xubno Shabaab ka tirsan iyo Gaari ay wateen.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa warbixin ka bixisay Tartanka Ciyaaraha Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, kaasi oo la filayo inuu sii xoojiyo isdhexgalka arrimaha bulshada.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa iyo Wasiiru Dowlaha Wehliye ayaa labadaba waxa ay warbixin ka bixiyeen heshiiskii shalay dhexmaray Galmudug iyo Ahlusuna, kaasi oo Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay goobjoog ka ahaayeen.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad ayaa warbixin ka bixiyay Maxaabiista Seychelles oo dhowaan uu booqday, sidoo kale Wasiirka ayaa ka warbixiyay shirkii ka dhacay Abidjan oo ay ka qeyb galeen dalal ka tirsan Afrika iyo Yurub.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA} Muhtaar Roobow Abuu Mansuur oo gaaray magaalada Kismaayo

December, 13, 2017
Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo mudooyinkii ugu danbeeyay safarro kala duwan ku marayay qeybo ka tirsan gobollada Bay ...

Deg Deg Dagmada Qoryooley Oo Laga Hirgaliyay Nalalka Ku Shaqeeya Cadceeda

December, 13, 2017
Deg Deg Dagmada Qoryooley Oo Laga Hirgaliyay Nalalka Ku Shaqeeya Cadceeda