Tuesday, February 20th, 2018
Advertisements
Advertisements

{DHAGEYSO} Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Sida Al shabab Loga Adkaan Karo

Published on December 5, 2017 by   ·   No Comments

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ka hadlay sida Al-Shabaab looga guuleysan karo loogana xureyn karo gobolada dalka oo ay hada ku sugan yihiin.

Waxa uu sheegay in Al-Shabaab looga guuleyan karo in howlgl wadajir ah la qaado oo dhinac walbo laga weeraro Al-Shabaab sida uu Axmed Madoobe sheegay, wuxuuna tilmaamay in ay muhiim tahay in dagaalka Al-Shabaab meel looga soo wada jeesto.

Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in Madaxda dowladda iyo madaxda Maamul goboleedyada looga baahan yahay iney la yimaadaan qorshayaal cad cad oo looga maarmayo ciidamada shisheeye ee ku sugan Soomaaliya.

Axmed Madoobe ayaa waxa uu xusay in lagama maarmaan ay tahay in la dhiso Ciidan qaran oo awood u yeeshay in dalka dhan amnigiisa ay la wareegaan.

Magaalada Muqdisho waxaa ka soconaya shir looga hadlayo amniga iyo dhaqaalaha, waxaana shirkaasi ka qeyb galaya Madaxda sare ee dowladda, madaxda maamul goboleedyada iyo wakiilo ka socda beesha caalamka.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA} Toogasho haween lagu laayey oo ka dhacday kaniisad ku taalla gobolka Dagestan

February, 19, 2018
Ugu yaraan Shan haween ah ayaa lagu diley weerar ka dhacey kaniisad ku taalla gobolka Dagestan ee dalka ...

Dowlada Sudan oo xabsiga ka sii deysay dad loo xirey arrimo siyaasadeed

February, 19, 2018
Xukuumada Sudan ayaa xabsiga ka sii deysay inkabadan 80 ruux oo ahaa maxaabiis dhinaca siyaasada loo xirey kadib ...