Thursday, December 14th, 2017
Advertisements
Advertisements

DHAGEYSO: Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Qeybta 43aad “Dagaalka Shabaab waan u diyaar garownay”

Published on December 6, 2017 by   ·   No Comments

Taliyaha Qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya General Ismaaciil Saxardiid oo booqasho ku tagay Degmada Dhoobley oo ka tirsan Jubbaland ayaa kormeeray saldhigyo halkaasi ay ku leeyihiin Ciidanka Xoogga dalka.

Taliye Saxardiid ayaa sheegay ujeedka socdaalkiisa inuu ahaa sidii Ciidamada ay u gaarsiin lahaayeen Qalab Millitari oo ay ku jiraan Hub iyo Gaadiidka Dagaalka iyo Mushaarka Ciidamada ay xaqa u leeyihiin.

Wuxuu sheegay Ciidamadan ka tirsan xoogga dalka in ay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada Dagaalka ka dhanka ah ururka Al-shabaab, maadaama dhowaan uu u soo gaba gaboobay Tababar.

Xubnaha dhalinyarada ah ee ka tirsan ururka Al-shabaab ayuu ugu baaqay in ay ku soo biiraan Dowladda Federaalka, si cafis guud loogu sameeyo, dadkoodana ay ugu dhex noolaadaan

Guud Gobolada dalka waxaa ka socda abaabulka iyo diyaar garowga ku aadan gulufka colaadeed ee ka dhanka ah ururka Al-shabaab, maadaama Madaxda Qaranka ay ku dhawaaqeen Dagaalka dhanka ah Shabaab

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA} Muhtaar Roobow Abuu Mansuur oo gaaray magaalada Kismaayo

December, 13, 2017
Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo mudooyinkii ugu danbeeyay safarro kala duwan ku marayay qeybo ka tirsan gobollada Bay ...

Deg Deg Dagmada Qoryooley Oo Laga Hirgaliyay Nalalka Ku Shaqeeya Cadceeda

December, 13, 2017
Deg Deg Dagmada Qoryooley Oo Laga Hirgaliyay Nalalka Ku Shaqeeya Cadceeda