EL-CLASICO: 10-kii Xiddigii Ugu Fiicnaa Qarnigaan Kulamada El Clasico Oo La Soo Saaray – Messi & CR7 Kumaa Galay Kaalinta 1-aad?

0
85

Kulanka El-Clasico ee loo aaminsan yahay inuu yahay midka ugu weyn kubadda cagta ayaa la daawan doonaa maanta xilliga qadada, waxaana looga gol leeyahay in dadka qaaradda Asia ay si fiican ugu raaxeystaan daawashad madama Maamulka La Liga uu taageero ka raadsanayo qaaradda ugu dadka badan dunida.

Waxaa noo socday taxane ay shabakadda Mirror Footbal ka diyaarisay xidigahii ugu fiicnaa qarnigaan ee kasoo muqday kulanka EL-Clasico, waxaana lasoo gaaray 10-kii xidig ee ugu dambeysay iyadoo qof walba uu isha ku hayo cidda horeysa labada xidig ee dunida qabsada 10-kii sano ee lasoo dhaafay Lionel Messi & Cristiano Ronaldo.

Liiska 10-ka xidig waxaa kasoo muuqday dhawr ciyaartoy, labada kooxoodna min 5-xidig ayey ku yeesheen 10-kaan, waase lakalamiisaan culus yahay.

10. Dani Alves

Dani Alves wuxuu dhaliyay mid kamid ah goolasha waligeed la xasuusan doono marka lasoo hadal qaado kulanka El-Clasico, wuxuuna ka shaqeeyay in Marid laga reeb Copa del Rey 2012, balse taas sababteeda uguma soo muuqan liiska.

Xidigaan reer Brazil waxaa loo tixgeliyaa mid ka mid ah daafacyada midig kuwooda ugu wanaagsan dunida ee ay aadka uga walwali jireen Real Madrid.

9. Sergio Ramos

Waa shaqsi shan jeer laga saaray garoomada isagoo wajahaya Barcelona, balse mar walba wuxuu awood siyaa kooxdiisa Los Blancos, afar jer ayuu gool ka dhaliyay Barcelona oo ay ku jiraan goolal xasuus leh, mana ka dhigna inuu yahay daafac xun hadii uu qaatay dhawr casaan.

8. Ronaldo

Waxaa loo tixgeliyaa inuu yahay weeraryahanka ugu wanaagsan waqtiga oo dhan, wuxuu ciyaaray kulanka El-Clasico isagoo xiran labada maaliyad. Waxaa la xasusta inu Barcelona goolka guusha u dhaliyay kulan ay Madrid 1-0 kaga adkadeen 1997, ka hor inta uusan afar gool ka dhalin Barcleona isagoo xiran maaliyadda Real Madrid.

7. Carles Puyol

Charles Puyol waxaa lagu xasuustaa inuu ahaa daafac aqlaaq leh isla markaana aan u dhib badneyn sida Sergio Ramos, wuxuu gool dhaliyay kulan ay Barcelona 6-2 ku dhaaftay Real Madrid 2009, wuxuuna waqti badan ku raaxeystay kulanak El-Clasico.

6. Andres Iniesta

Wax badan ma dhalin kulankaan, balse kaliya 3-gool ayuu ka dhaliyay Real Madrid, markii ugu dambeysay waxey aheyd kulan 4-0 ay Barcelona ku adkaatay iyagoo jooga Bernabeu 2015. Iniesta waa mid ka mid ah nuuca ciyaartoy ee aan ebid lagu arkeynin kulanka El-Clasico, waa macalin si wacan uga shaqeyn kara xirfadisa.

5. Zinedine Zidane

Waa halyeey ku weyn Real Madrid, wuxuu laba jeer oo xiriir ah u qaaday Champions League, UEFA Super Cup & FIFA Club World Cup isagoo tababare ah, balse wuxuu dhaliyay goolka furitaanka kulan ay Los Blancos 4-2 ku dishay Barcelona April 2005. Wuxuu ahaa mid aad ugu raaxeysta inuu wajaho Barcelona, sidoo kala Balaugrana ay isku dayeen iney lasoo saxiixdaan ka hor imaatinkiisa La Liga.

4. Raul Gonzalez

Mid ka mid ah halyeeyada an waligood la iloobi doonin ee soo maray Spain, wuxuu dhaliyay 15-gool kulanka El-Clasico, kaliya sadex xidig ayaana ka badan, layaab maahan inuu halkaan liska kasoo galo balse wuxuu aad caan ugu ahaa inuu dhaliyo goolal qurux badan, wuxuu ku fiicnaa madaxa inuu goolasha ku dhaliyo wuxuuna ciyaray 37-ciyaarood oo El-Clasico ah.

3. Xavi Hernandez

Kaliy 5-jeer ayuu shabaqa soo taabtay Xavi Hernandez kulanka EL-Ckasico, wuxuuna ciyaarayay in ka badan 10-sanadood kulanka, 42-jeer ayuu kasoo muuqday ciyaartaan, waaana kaliya ka badan Manuel Sanches oo 43-jeer kasoo muuqday.

2. Cristiano Ronaldo

Kaliya wuxuu ka dambeeyaa Alfredo Di Stefano iyo Lionel Messi marka laga hadlo xidigaha ugu goolasha badan kulanka. intii u dhaxeysay 2011 iyo 2013 wuxuu dhaliyay gool lix kulan ooxiriir ah oo ay labadan kooxood wada ciyaareen, waana rikoor. Bilowgii xilli ciyaareedkaan wuxuu Barcelona ka dhaliyay gool kulankii Supercopa de Espana inkastoo markii dambe la saaray.

1. Lionel Messi

Kan koowaad ee noqday xidiga qarnigaan ugu fiican ee ciyaaray El-Clasico, sidoo kale waa kan taariikhda ugu fiican [Sida ay qirayaan Mirror], wuxuu dhaliyay 24-gool kulanka El-Clasico waana in ka badan qof walba oo kale, wuxuu mar walba qaraw galiyaa Los Blancos madama uu 14-gool uga dhaliyay guigooda.

Waqtigiisa ugu fiican ee kooxda ay aadka u xifaaltamaan waa 2011 Champions Leaue semi final markii uu dhaliyay gool ilaa iyo hadda la hadal hayo madama uu dhaafay tiro badan oo ciyaartoy Madrid ah ka horinta uusan shabaqa Casilas soo taaban.

 

Xigasho Laacib.net

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here