Tuesday, February 20th, 2018
Advertisements
Advertisements

GOOS-GOOSKA: Real Madrid Oo Lagu Dhagay, Ramos Oo Casaan Qaatay & Zidane Oo Cadaadiska Kusii Kordhay

Published on December 3, 2017 by   ·   No Comments

Real Madrid ayaa seegtay fursadii ay ugu dhawaan laheyd hogaanka horyaalka La Liga kooxda heysa ee Barcelona kadib markii ay barbaro la gashay kooxda Athletic Bilbao.

Kulankii ka dhacay garoonka dhibka badan ee San Mames ayaa kusoo dhamaaday barbaro goolal l’aan ah, taasoo dhabar jab weyn ku aheyd kooxda Los Blancos.

Karim Benzema ayaa fursadii ugu weyned ka qasaariyay kooxdiisa, weeraryahanka reer France ayaana garaacay birta qeybta hore ee ciyaarta.

kooxda Zinedine Zidane ayaa raadineysay guul kulanka ay booqdeen xalay kooxda ka dhisan gobolka Basque, laakiin natiijo lama filaan ah ayay kasoo heleen.

Cristiano Ronaldo ayaa ku dhawaa inuu goolka guusha u dhaliyo kooxdiisa markii uu helay kubad furan oo goolka hortiisa ah qeybtii labaad ee ciyaarta, lakiin kama faa’iideysan.

Rajada kooxda Real Madrid ayaa sii dhimatay markii casaan loo taagay kabtankooda Sergio Ramos kaasoo suxul wajiga kaga dhuftay weeraryahanka Athletic Bilbao Aritz Aduriz.

Guud ahaan ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay barbaro 0-0 ah, waxaana tani ay ka dhigan tahay in weli labada koox ee Barcelona iyo Real Madrid oo toddobadkaan taako loo wada dhigay aysan wax isbedel ah sameyn.

DAAWO GOOS-GOOSKA CIYAAARTA

 

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA} Toogasho haween lagu laayey oo ka dhacday kaniisad ku taalla gobolka Dagestan

February, 19, 2018
Ugu yaraan Shan haween ah ayaa lagu diley weerar ka dhacey kaniisad ku taalla gobolka Dagestan ee dalka ...

Dowlada Sudan oo xabsiga ka sii deysay dad loo xirey arrimo siyaasadeed

February, 19, 2018
Xukuumada Sudan ayaa xabsiga ka sii deysay inkabadan 80 ruux oo ahaa maxaabiis dhinaca siyaasada loo xirey kadib ...