Guddoomiyaha Golaha Guurtida Maamulka Somaliland Oo Waxba Kama Jiraan Ku Tilmaamay Heshiiskii Khatuma Iyo Somaliland

0
13

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Maamulka Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa Golaha Guurtida kulankooda ka sheegay in uusan jirin heshiis dhexmaray Somaliland iyo Khaatumo.

Waxaa uu sheegay in wadahadalka dhexmaray labada dhinac uu ahaa soo jeedin islamarkaana uusan jirin wax heshiis ah oo dhexmaray labada Maamul ee Somaliland iyo Khaatumo.

Saleebaan ayaa yiri “waad ku riiqanteen arrintaas,hadda waxaa ay joogtaa Madaxweynaha,waana soo jeedin ee heshiis maha,waxaa ay heshiis noqoneysaa marka labad gole soo marto”.

Guddoomiyaha Guurtida ayaa ugu digay Xildhibaannada labada Gole iyo Siyaasiyiintuba in ay ku deg degaan arrintaas oo uu sheegay in ay heshiis noqon karto marka ay ansixiyaan labada gole inta ka horreysana aan lagu fududaan.

Maamullada Somaliland iyo Khaatumo ayaa bartamihii Sanadkan heshiis ku gaaray mideynta labada maamul iyo in dib loo furo dastuurka Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here