Tuesday, February 20th, 2018
Advertisements
Advertisements

Hadal Heynta Bandhigii David de Gea Ee Kulankii Arsenal Oo Qabsatay Baraha Bulshada Xili Goolhayaha Spain Wax Ka Bedelay Taariikhda Premier League

Published on December 3, 2017 by   ·   No Comments

Goolhaye David de Gea ayaa ka dhigay rikoor cusub horyaalka Premier League, kadib markii uu badbaadiyay 14 kubad oo halis ah ciyartii Manchester United ay 3-1 kaga badisay xalay kooxda Arsenal.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Spain ayaa qaab ciyaareed cajiib ah sameeyay, iyadoo Jesse Lingard uu laba gool ka dhaliyay garoonka.

Manchester United ayaa haatan shan dhibcood ka dambeysa hogaamiyeyaasha horyaalka iyo kooxda ay isku magaalada yihiin ee Manchester City ka hor kulanka Manchester Derby-ga Old Trafford.

De Gea ayaa si fantastik ah u joojiyay kubad Romelu Lukaku si qaldan isaga dhalin lahaa dhamaadka qeybtii hore ee ciyaarta, waana badbaadintii ugu weyneyd ee uu ka sameeyay garoonka.

Goolhayaha United ayaa sidookale badbaadin weyn ka sameeyay weeraryahanka Arsenal Alexandre Lacazette, iyadoo islamarkiiba si dhaqso ah uu lugtiisa midig ugu saaray halis kale oo ka timid Alexis Sanchez.

Goolhaye De Gea ayaa haatan ka dhaqaaqay rikoorka ay wadaagaan labada goolhaye ee Tim Krul iyo Vito Mannone, waxaana goolhayaha Spain uu noqday mid sameeyay badbaadintii ugu badneyd tan iyo markii la bilaabay in la diiwaan geliyo xogta Premier League xilli ciyaareedkii 2003-04kii.

 

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA} Toogasho haween lagu laayey oo ka dhacday kaniisad ku taalla gobolka Dagestan

February, 19, 2018
Ugu yaraan Shan haween ah ayaa lagu diley weerar ka dhacey kaniisad ku taalla gobolka Dagestan ee dalka ...

Dowlada Sudan oo xabsiga ka sii deysay dad loo xirey arrimo siyaasadeed

February, 19, 2018
Xukuumada Sudan ayaa xabsiga ka sii deysay inkabadan 80 ruux oo ahaa maxaabiis dhinaca siyaasada loo xirey kadib ...