Tuesday, February 20th, 2018
Advertisements
Advertisements

Kaarkii Casaa Ee Xalay Loo Taagay Kabtanka Real Madrid Sergio Ramos Oo Wax Ka Bedelay Taariikhda La Liga

Published on December 3, 2017 by   ·   No Comments

Sergio Ramos ayaa rikoor cusub oo kaararka casaanka ah u dhigay horyaalka La Liga ka dib markii uu qaatay casaankiisii 19aad kulankii barbaraha 0-0 kooxdiisa la gashay xalay Athletic Bilbao.

31 jirkaan ayaa xusul wajiga kaga garaacay daqiiqadii 86aad ee ciyaarta kulankii San Mames weeraryahanka Athletic Bilbao Aritz Aduriz .

Ramos ayaa loo taagay casaankiisii labaad ee xilli ciyaareedkaan, wuxuuna haatan dhaafay rikoorkii casaan qaadashada ee daafacii hore ee Barcelona iyo Sevilla Pablo Alfaro iyo halyeeyga Real Zaragoza Xavi Aguado.

Daafacaan ayaa xalay ciyaaray isagoo waji maaskaro kusoo xirtay kadib markii uu kasoo laabtay jab kasoo gaaray sanka kulankii Atletico Madrid ee laba todobaad ka hor.

Hase yeeshee, casaankii ugu dambeeyay ee Ramos ayaa niyad jabka ku ah kooxda Zinedine Zidane oo hadda lix dhibcood ka dambeysa Barcelona oo hogaamineysa horyaalka La Liga.

 

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA} Toogasho haween lagu laayey oo ka dhacday kaniisad ku taalla gobolka Dagestan

February, 19, 2018
Ugu yaraan Shan haween ah ayaa lagu diley weerar ka dhacey kaniisad ku taalla gobolka Dagestan ee dalka ...

Dowlada Sudan oo xabsiga ka sii deysay dad loo xirey arrimo siyaasadeed

February, 19, 2018
Xukuumada Sudan ayaa xabsiga ka sii deysay inkabadan 80 ruux oo ahaa maxaabiis dhinaca siyaasada loo xirey kadib ...