Kooxaha Liverpool & Arsenal Oo Kulan Layaableh Dhibcaha Ku Qaybsaday, Lix Ciyaartoy Oo Goolal Iskugu Jawaabay Iyo Gunners Lix Daqiiqo Saddex Gool Ku Dhalisay.

0
88

Kooxaha Liverpool iyo Arsenal ayaa dhibcaha ku qaybsaday Emirates Stadium kulan layaableh oo ay labada kooxood lix gool iska dhaliyeen. Inkasta oo ay Liverpool 2-0 hogaanka ku qabtay daqiiqadii 52 aad ayay haddana Gunners si layaableh daqiiqadii 58 aad 3-2 hogaanka ciyaarta ugu haysay!. Mid ka mid ah kulamadii taariikhiga ahaa ee Liverpool iyo Arsenal ayaa caawa markale halkan ka dhacay.

Coutinho ayaa goolasha daadka ahaa ee kulankan daah furay waxaana Liverpool goolka labaad u saxiixay Mohamed Salah laakiin Arsenal ayaa lix daqiiqo oo waali ah goolal sida dhibica roobka kaga dhigtay goolka Liverpool iyada oo saddex gool oo deg deg ah kaga yaabtay kooxda hogaanka labada gool ku haysay.

Alexis Sanchez ayaa noqday dhiiro galiyaha Arsenal isaga oo goolka kowaad dhaliyay waxaana gool kantaal ah raacsaday Xhaka halka Mesut Ozil uu soo laabashada dhamaystiray laakiin Roberto Firmino ayaa Liverpool ka soo saaray xaalad aan la qeexi karin oo ay gashay waxayna ciyaartu ku dhamaatay barbaro 3-3 ah iyada oo labada kooxood ay si layaableh dhibcaha u qaybsadeen.

Liverpool ayaa dardar fiican ciyaarta ku bilaabtay waxayna ahayd kooxda markiiba laga filan karayay goolka furitaanka iyada oo abuurtay fursado fiican waxayna xili horeba Petr Cech ugu yeedheen in uu shaqadiisa qabsado oo uu badbaadino sameeyo.

DAQIIQADII 13 AAD Klopp ayay qasab ku noqotay in uu shaxdiisa xili horeba isbadal ku sameeyo kadib markii uu dhaawac soo gaadhay kabtanka kooxdiisa ee Jordan Henderson wuxuuna kaydka uga yeedhay James Milner iyada oo Liverpool sii wadatay dardar fiican ee ay ciyaarta ugu bilaabtay.

DAQIIQADII 26 AAAD Liverpool ayaa heshay goolkeeda furitaanka ee dhibaatada wayn ku noqday Arsenal waxaana darbo uu madax ku tiigsaday shabaqa Gunners ku taabtay Philippe Coutinho kaas oo wali muujinaya sababtii ay Liverpool lacagta kasta ugu diiday laakiin Mohamed Salah oo weerar dhinaca midig ka soo qaaday ayaa kubbada u soo karoosay dhinaca xerada ganaaxa Gunners balse nasiib xumadiisa Laurent Koscielny ayay ayay kubbadu sii dhacday si uu Coutinho goolkan uga caawiyo waxayna ciyaartu noqotay 1-0 ay Reds hogaanka kula wareegtay.

Arsenal ayaa isku dayday in ay naf iska raadiso oo ay qaado weeraro culus si ay uga soo kabsato goolka looga hormaray iyada oo garoonkeeda joogtay laakiin khadka dhexe ee Liverpool ayaa u muuqday kuwo cadaadis wayn ku hayay kubbad kasta oo ay Gunners isku dayaan in ay fursad ku abuuraan.

DAQIIQADII 32 Roberto Firmino ayaa u muuqday in uu dhaliyay goolka labaad ee Liverpool kadib markii uu kubbad ka qaatay Sadio Mane isla markaana uu banaan samaystay laakiin kubbad aan la joojin karin ee uu tuuray ayaa senti mitiro u martay goolka Gunners.

Ciyaarta ayaa noqotay mid cadaadis badan oo khadka dhexe si wayn loogu dagaalamaayy laakiin ciyaartoyda Liverpool ayaa si wayn uga cadhooday markii uu garsooraha kulankani uu qaladaad badan oo lagu galayay ogolaaday taas oo keentay in Klopp uu cadho is hayn kari waayay wuxuuna qaylo la beegsaday garsooraha afraad.

DAQIIQADII 42 AAD Laurent Koscielny ayaa galay qalad isgowrac ah kadib markii uu Mohamed Salah iyo Sadio Mane u sii dayay kubbad uu isku dayay in uu celiyo isaga oo dhulka ku sii dhacayay laakiin xidiga ree Masar oo u muuqday in uu dhalinayo goolka uu Petr Cech la horjoogay ayuu goolhaye Cech sameeyay badbaadin LAYAABLEH si uu ciyaarta ugu sii hayo 1-0 ay wali Reds hogaanka ku hayso.

Laakiin Sadio Mane ayaa kubbada soo booday isku dayay in uu laba lugoodley goolkii xili ciyaareedka uu dhalin lahaa ku beegsaday balse markale kubbada ayaa wax yar birta dulmartay,waxayna Gunners nasiib layaableh ku lahayd in labadan fursadood ayna hal gool isku noqon!!!.

DAQIIQADII 45 AAD Mohamed Salah ayaa markale danbiile wayn ku noqday in aanu dhalin goolka labaad ee ciyaarta kadib markii uu hadiyad ka helay Sadio Mane wuxuuna si aan looga baran xidiga ree Masar lumiyay laba fursadood oo uu goolalku dhalin jiray.

Arsenal ayaa u muuqatay mid aad u tabcaantay isla markaana aan lahayn awoodii khadka dhexe iyada oo Fab Four ay dhibaabto badan ku abuureen kooxa Wenger, waxaana qaybtii hore lagu kala nastay 1-0 balse ay Gunners nasiib wayn ku lahayd in aan 3-0 ama 4-0 hogaanka looga hayn waxaana lays waydiinayay isbadalka uu Wenger samayn doono waqtiga nasashada.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayuu Wenger kooxdiisa soo raaciyay Mustafi wuxuuna badalay Monreal  iyada oo markan Arsenal soo laabtay iyada oo dhaarsan si ay ciyaarta dib ugu soo laabto laakiin wali Liverpool ayaa sii waday fursad abuurista.

DAQIIQADII 52 AAD Mohamed Salah ayaa gool cajiib ah u dhaliyay Liverpool kadib markii uu caawin ka helay Roberto Firmino iyada oo markan difaaca Gunners uu ku fashilmay waxayna ciyaartu noqotay 2-0 ay Liverpool hogaanka ciyaarta ku dheeraysatay. Laakiin goolkani waxa uu hurdada ka kiciyay Arsenal waxaana bilawday daqiiqado waali ah.

DAQIIQADII 53 AAD oo ah 40 ilbidhiqsi oo kaliya kadib goolkii labaad ee Mohamed Salah dhaliyay waxaa Arsenal ruuxda dib ugu soo celiyay Alexis Sanchez kaas oo si deg deg ah uga jawaabay goolka labaad ee Reds wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2-1 ay wali Liverpool hogaanka ciyaarta ku ahyso.

DAQIIQADII 56 AAD Granit Xhaka ayaa darbo layaableh ka soo tuuray meel aad uga baxsan xerada ganaaxa Liverpool wuxuuna kubbad xaaware xoogan ku socota uu si cajiib ah ugu garaacay Mignolet oo awoodi waayay in uu kubbada joojin karo waxayan ciyaartu noqotay barbaro 2-2 ah laakiin waalida cusub ee ay Gunners la soo baxday ayaa halkeeda ka sii socotay.

DAQIIQADII 58 AAD Arsenal ayaa Liverpool iyo qof kasta ka yaabsatay kadib markii ay heshay goolkeeda saddexaad ee kaga soo kabsatay hogaankii 2-0 ka looga hayay daqiiqadii 52 aad waxaana waxa aan macquulka u muuqan suurtogal ka dhigay Mesut Ozil oo dhamaystiray kubbad qurux badan oo uu ka helay  Lacazette waxayna ciyaartu noqotay 3-2 ay Gunners si layaableh hogaanka ugu qabtay.

Halkan kaga bogo Xogta Daqiiqadihii waalida ahaa ee Arsenal Ku Soo Kabsatay:

52′: Arsenal 0-2 Liverpool
53′: Arsenal 1-2 Liverpool
56′: Arsenal 2-2 Liverpool
58′: Arsenal 3-2 Liverpool

DAQIIQADII 63 AAD Sadio Mane ayaa ugu dhawaaday in uu Liverpool ciyaarta dib ugu soo celiyo laakiin Cech ayaa sameeyay badbadin fiican si uu kooxdiisa natiijada ugu ilaaliyo laakiin sidoo kale daqiiqadii 67 aad Lacazette ayaa ku dhawaaday in uu Arsenal u keeno goolka afraad laakiin waxa uu lumiyay fursad goolka hortiisa ahayd oo uu difaaca Reds iska saaray.

DAQIIQADII 71 aad Roberto Firmino ayaa markiisa Liverpool ciyaarta dib ugu soo celiyay kadib markii uu darbo aan la joojin karin ku ganay goolka Gunners iyada oo Petr Cech uu kubbada si xoogan iskugu dayay in uu u joojiyo balse kubbada ayaan noqon mid jahadeeda ka luntay waxayna toos u gashay goolka Gunners waxayna ciyaartu noqotay barbaro 3-3 ah. WAALI!!.

DAQIIQADII 78 AAD Wenger ayaa kaydka uga yeedhay  Welbeck wuxuuna ciyaarta ka saaray Alex Iwobi wuxuuna Klopp kaga jawaabay in laba daqiiqo kadib uu kaydka uga yeedhay Georginio Wijnaldum wuxuuna ciyaarta ka saaray Sadio Mane.

DAQIIQADII 84 AAD Klopp ayaa kaydka ka soo kiciyay xidigii hore ee Arsenal ee  Oxlade-Chamberlain wuxuuna ciyaarta ka saaray Sadio Mane laakiin markan ciyaarta ayaa noqotay mid ay koox kastaaba ka cabsi qabtay in goolka afraad ee aan laga soo kabsan karin laga dhaliyo waxaana muuqday in taxadar badan difaaca laga samaynayay.

DAQIIQADII 89 AAD Wenger ayaa badalkiisa ugu danbeeyay sameeyay wuxuuna ciyaarta soo galiyay Walcott  halka Sanchez uu saaray waxaana markan la sugayay haddii uu jiri doono gool ay labada kooxood midkood guul ku gaadhi karto.

Mohamed Salah Iyo Ozil ayaa helay fursado ay kooxahooda ugu dhalin kareen goolka afraad laakiin waxay lumiyeen fursado waxayna koox kastaaba wadnaha farta ugu haysay in ay la kulanto gool qalbi jab ah maadaama oo ay labada kooxoodba si wayn ugu shaqeeyeen.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay barbaro 3-3 ah iyada oo ahayd ciyaar ka mid ah kulamadii cajiib ahaa ee taariikhda kulankani caanka ku ahaa waxayna labada kooxood heleen min hal dhibic oo guuldaro u dhaantay wixii garoonka ka dhacay marka la eego.

 

Xigasho Laacib.net

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here