Saturday, May 26th, 2018
Advertisements
Advertisements

LA OGAA: Muxuu Jose Mourinho Ku Yiri Goolhaye David de Gea Kadib Ciyaartii Arsenal & Man Utd?

Published on December 3, 2017 by   ·   No Comments

Jose Mourinho ayaa shaaca ka qaaday inuu soo jiitay goolhaye David de Gea ka dib markii uu soo bandhigay qaab ciyaareedkiisii wanaagsan kulankii Arsenal.

Markii ay dhamatay ciyaarta Mourinho ayaa u sheegay goolhayaha reer Spain inuu yahay goolhayaha ugu fiican adduunka.

Manchester United ayaa 3-1 ku garaacday Gunners kulan aad u xiiso badnaa oo ka dhacay Emirates Stadium xalay, inkastoo ciyaartooyda Arsenal kubad qurux badan soo bandhigeen.

Kooxda martida loo ahaa ee Arsenal ayaa ka sameysay garoonka 33 darbo oo gool loo filan karay, waxayna inta ugu badan badbaadiyay goolhaye De Gea.

David de Gea ayaa xalay sameeyay badbaaadintii ugu badneyd hal kulan tan iyo markii la sameeyay rikoorka diiwaan gelinta xaqiiqooyinka kubadda cagta England.

Mourinho ayaa ammaanay goolhayihiisa ka dib ciyaarta, waxaana uu haatan si buuxda ugu qanacsan yahay inuu la mid yahay Gianluigi Buffon iyo Manuel Neuer.

Isagoo la hadlayay BT Sport ciyaarta ka dib, wuxuu yiri: “Waan u sheegay isaga ka dib ciyaarta inuu yahay goolhayaha ugu fiican adduunka.

“Goolhayayaasha kulamada weyn waa inay sameeyaan waxa ay kooxdu kaga baahan tahay ayuu hadalkiisa ku daray Jose Mourinho.

 

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Xiisad Maanta Ka jirto iyo Rasaas Goos Goos Ah Oo Laga Maqlay Deegaanka Tukaraq

May, 26, 2018
Waxaa weli xiisad dagaal ay ka taagan tahay deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool halkaas oo ay ciidamadooda iskuhor-fadhiyaan ...

Is rasaaseyn Goordhow Ka Dhacday Muqdisho Iyo Faah Faahin Dheeraad ah oo laga Helaayo

May, 26, 2018
Israsaaseyntaan oo geystay khasaaro kala duwan ayaa waxa ay ka dhacday afaafka hore ee Xabsiga Godka Jilacoow ee ...